<

Home » Horyaalada » Premier League » Tababaraha Man City Pep Guardiola oo ka hadlay Mustaqbalka Sergio Aguero & Awooda Yaya Toure

Tababaraha Man City Pep Guardiola oo ka hadlay Mustaqbalka Sergio Aguero & Awooda Yaya Toure

Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay Sergio Aguero uu yahay weeraryahan heer caalami ah isla markaana ay iska garab ciyaari doonaan Gabriel Jesus, taas oo soo gaba gabeyneysa wararka sheegaya in xidigan uu ka tago kooxda City

Aguero ayaa keydka looga soo tagay kulankii ay City ka badisay West Ham, waxii xiligaas ka danbeeyana waxaa 28 jirkaan lala xariirinayay kooxo ay kamid tahay Real Madrid

“Shaki kuma jiro tayada uu leeyahay Sergio, shakina kuma jiro sida aan ugu faraxsanahay waxa uu sameynayo” ayuu yiri tababare Pep Guardiola

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Pep uu yiri “Kooxaha waa weyn waxaa ay ubaahan yihiin weerrayahano badan– kooxda Real Madrid [Alvaro] Morata ma ciyaaro. Sergio wali waxaa uu inoo yahay kuwa ugu muhiimsan ciyaaryahanadeena”.

MANCHESTER, ENGLAND - JANUARY 02:  Sergio Aguero of Manchester City celebrates scoring his team's second goal during the Premier League match between Manchester City and Burnley at Etihad Stadium on January 2, 2017 in Manchester, England.  (Photo by Jan Kruger/Getty Images)

Sidoo kale tababarahan ayaa sheegay in Gabrial uu ka garab ciyaari karo AGUERO ” Gabriel waxaa uu kasoo ciyari jiray garabka bidix,  labadaba waa ay wada ciyaari karaan. Gabriel waa dagaalyahan, waana sababta uu wax badan inoo caawin karo.”

Dhanka kale tababaraha Man CIty ayaa amaanay qaab ciyaareedka xidiga Yaya Toure kaas oo kulankii West Ham rigoore dhaliyay taas oo ka dhigan in 15 kulan uu ku dhalliyay lix gool.

“awooda Yaya waa ay adag tahay in maanta la fiiriyo, waxaa uu jecel yahay inuu ciyaaro, waana hiwaayadiisa, waa uu taam qabaa, culeyskiisana waa mid aad uwanaagsan.”ayuu yiri Pep Guardiola

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/tababaraha-man-city-pep-guardiola-oo-ka-hadlay-mustaqbalka-sergio-aguero-awooda-yaya-toure/">Tababaraha Man City Pep Guardiola oo ka hadlay Mustaqbalka Sergio Aguero & Awooda Yaya Toure</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *