<

Home » Horyaalada » Premier League » Tababaraha Chelsea oo kala cadeeyay Mustaqbalka Begovic, Ivanovic, Luftus-cheek, Chalobah iyo Kenedy

Tababaraha Chelsea oo kala cadeeyay Mustaqbalka Begovic, Ivanovic, Luftus-cheek, Chalobah iyo Kenedy

Tababare Antonio Conte ayaa sheegay in kaliya ay iibin doonaan  Asmir Begovic hadii ay helaan goolhaye badal unoqda.

Begovic ayaa si weyn loola xariirinayaa kooxda Bournemouth, Chelsea ayaase isha ku haysa goolhayaha Celtic  Craig Gordon

Conte ayaa sheegay in  Begovic uu kusoo bilaaban doono kulanka  FA Cup uuna joogi doono ilaa ay goolhaye badalkiisa ah heli doonaan.

“Haa,. Begovic waa uu kusoo bilaaban doonaa waana ciyaaryahan Chelsea ah, ciyaaryahan muhiim ah ayuuna inoo yahay, wuuna joogayaa ,” Conte ayaa sidaas saxaafada usheegay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tababaraha Chelsea yiri “Waan fahansanahay dhamaan ciyaaryahanada, laakiin waxaa ay ila tahay iney muhiim tahay sidoo kale ciyaaryahanada iney ifahmaan aniga iyo kooxda, waana ay adag tahay in kooxda ay iska iibiso ciyaaryahan wanaagsan|.

“Kaliya waxaa uu bixi karaa marka aan helno badalkiisa ugu wanaagsan.”ayuu yiri tababaraha reer Italy.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay Branislav Ivanovic kaas oo lala xariirinayo inuu ka tagayo kooxda, laakiin tababare Conte ayaanan hubin mustaqbalkiisa

“Ma ogi, waxaanse hubaa in bishan wax walba suura gal yihiin maxaa yeelay suuqa ayaa furan, waxaa jira warar badan oo xan ah, waxaa sidoo kale jira warar been abuur ah laakiin ay xaqiiq yihiin xaaladaha qaar “ayuu yiri Conte.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Conte yiri “Ma ogi waxa dhici doona ilaa dhamaadka suuqa, kooxdana waa ay ogtahay fikirkeyga arintan, hadii ciyaaryahanadan ay joogaan waan ku faraxsanahay aniga”

Conte ayaa dhanka kale sheegay in inta ka dhiman xili ciyaareedkan ay kooxda sii joogi doonaan Ruben Loftus-Cheek iyo Nathaniel Chalobah.

Laakiin ma uusan xaqiijin xaalada Kenedy iyo Charly Musonda kuwaas oo kooxda aanan uciyaarin kadib markii ay amaah kasoo laabteen.

“Waxaan aqriyay magacyo katirsan kooxda, haa waxaa ay ila tahay xiliyada qaar waxaad ogtihiin (Saxaafada) wax ka badan waxa aan ogahay, waxaanse kalsooni ku qabaa ciyaaryahanadeda, ma ogi hadii aan ciyaaryahano lasoo saxiixan doono, , waana inaan arintaas daacad ka noqdaa.

“Waxaan hubaa hadii Kenedy iyo Musonda ay ciyaari karaan xataa hal daqiiqo iney qasab ku tahay iney joogaan inta ka dhiman xili ciyaareedkan, laakiin waxaan ogahay iney yihiin labo ciyaaryahan oo muhiim ah|ayuu yiri Conte.

Ugu danbeyn waxaa uu sheegay Conte, “xili ciyaareedkan Ruben iyo Chalobah waxaan hubaa iney halkan sii joogi doonaan inta ka dhiman xili ciyaareedkan”.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/tababaraha-chelsea-oo-kala-cadeeyay-mustaqbalka-begovic-ivanovic-luftus-cheek-chalobah-iyo-kenedy/">Tababaraha Chelsea oo kala cadeeyay Mustaqbalka Begovic, Ivanovic, Luftus-cheek, Chalobah iyo Kenedy</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *