<

Home » Wararka Maanta » Tababaraha Barcelona oo ku dhawaaqay Ciyaaryahanada uu kala hortagi doono Real Betis

Tababaraha Barcelona oo ku dhawaaqay Ciyaaryahanada uu kala hortagi doono Real Betis

Tababare Luis Enrique Martínez ayaa shaaca ka qaaday liiska ciyaaryahanada ee uu ula safri doono kulanka 20-aad ee ay la ciyaarayaan Real Betis axada.

Marka laga tago goolhayaha sedexaad ee kooxda Jordi Masip, tababaraha Barca ayaa uyeertay dhamaan ciyaryahanada taamka u ah.

Tas ayaana ka dhigan in ciyaaryahanada kala ah Andres Iniesta, Sergio Busquets iyo Rafinha Alcántara ay dhaawacyo kusii maqnaan doonaan.

Barça ayaa ka dagi doonta magaalada Sevilla iyadoo la ciyaareysa naadiga Real Betis waana kulan adag

Liiska ciyaaryahanada uu magacaabay Tababaraha Barca: Ter Stegen, Jasper Cillessen, Gerard Piqué, Ivan Rakitic, Denis Suárez, Arda Turan, Luis Suárez, Leo Messi, Neymar Júnior, Javier Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Lucas Digne, Sergi Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Samuel Umtiti and Jeremy Mathieu.

Macalinka ayaase go’aansan doona shaxda koobaad ee uu kusoo geli karo kulankan iyadoo la filayo in tababaraha uu isbadal ku sameeyo

squad-barca-efe-1485624986554

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/tababaraha-barcelona-oo-ku-dhawaaqay-ciyaaryahanada-uu-kala-hortagi-doono-real-betis/">Tababaraha Barcelona oo ku dhawaaqay Ciyaaryahanada uu kala hortagi doono Real Betis</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *