<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Taageerayaasha Real Madrid oo ku ooriyay Benzema, Danilo & CR7 oo jawaab deg deg ah ka bixiyay

Taageerayaasha Real Madrid oo ku ooriyay Benzema, Danilo & CR7 oo jawaab deg deg ah ka bixiyay

Labada ciyaaryahan ee Real Madrid Karim Benzema iyo Danilo ayaa oorin kala kulmay taageerayaasha Bernabéu kadib markii magacyadooda lagu dhawaaqayay bilowgii ciyaartii ay Real ka badisay naadiga Real Sociedad on Sunday.

Foorintii la sameeyay 

Daafaca buuxa ee Danilo – kaas oo qaab ciyaareedkiiisa sii xumaanayay kulamadii ugu danbeeyay isla markaana labo gool iska dhaliyay sedexdii kulan ee ugu danbeysay ayaa sidoo kale ay taageerayaasha ku ooriyeen

Benzema ayaa sidoo kale taageerayaasha ay ku ooriyeen iyagoo dalbanayay in Benzema keydka la geliyo isla markaana Morata la safo

1485719310_332000_1485719717_noticia_normal

Cristiano oo isna la cambaareeyay

Danilo iyo Benzema ma aysan aheyn ciyaaryahanada kaliya ee la kulmay dhaleecenta. qeybtiio koobaad ee ciyaarta Cristiano Ronaldo ayaa si caro leh ugu jawaabay taageerayaasha kadib markii ay ku ooriyeen.

Oorintaas ayaana timid kadib markii uu dhowr kubad qalday weeraryahankan qaranka Portugal, waxaase uu ku aamusiyay markii uu goolka dhaliyay

Sidoo kale xidigan ayaa qeybtii hore caawinaad qurux badan ka sameeyay goolkii uu dhaliyay Kovacic dhamadkii qeybtii hore.

Si kastaba, Real ayaa kusoo laabatay wadada guusha kadib markii ay 3-0 ku badisay, waxaana ay haatan afar dhibcood oo nadiif ah ka sareysaa naadiga Barcelona

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/taageerayaasha-real-madrid-oo-ku-ooriyay-benzema-danilo-cr7-oo-jawaab-deg-deg-ah-ka-bixiyay/">Taageerayaasha Real Madrid oo ku ooriyay Benzema, Danilo & CR7 oo jawaab deg deg ah ka bixiyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *