<

Home » Horyaalada » Premier League » Taageerayaasha Manchester United oo FA-ga Egland ugu baaqay inuu cadaalada mariyo tababare Klopp kadib qanaaxii uu kula kacay garsooraha afaraad

Taageerayaasha Manchester United oo FA-ga Egland ugu baaqay inuu cadaalada mariyo tababare Klopp kadib qanaaxii uu kula kacay garsooraha afaraad

Tiro ka mid ah taageerayaasha Manchester United ayaa ku sheegay,bogooda Twitter-ka in tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp, uu u qalmo inay FA-ga dalka Egland, ay ganaax kusoo rogaan, kadib markii uu qeylo wajiga ka saaray garsooraha Afaraad ciyaartii xalay ay Liverpool 1-1 la galeen Chelsea.

Klopp ayaa ka biyo diiday, rigoore uu garsoore Mark Clattenburg, ku abaalmariyay Chelsea, kagadaal loolan uu Joel Matip, la galay D.Costa, iyadoo ay 14 daqiiqo ka harsan tahay ciyaartii garoonka Anfield ka dhacday.

Si kastaba, Diego Costa, ayaa ka qalday kooxdiisa rigoorihii uu u tuuray, waxaana badbaadin fiican sameeyay, goolhaye  Simon Mignolet, waxaana Tababaraha kooxda Reds lagu sawiray isagoo si aan wanaagsaneen, ula dhaqmaaya garsooraha afaraad.

Jose Mourinho ayaa lagu ganaaxay labo kulan intii lagu guda jiray ciyaartii United ay barbaraha la galeen West Ham, bishii aynu soo dhaafnay ee November.

Tababaraha reer Portugal Mourinho, ayaa caro darteed waxa uu laad ku dhuftay caagagii biyaha ahaa, balse garsoore Jonathan Moss, ayaa u taagay kaarka cas, waxa uuna u diray inuu tarbuunka fuulo, intii ay socotay ciyaartii ka tirsaneyd English Premier League-ga, ee u dhaxeysay Manchester United iyo West Ham United ee ka dhacday, garoonka woqooyi galbeed ee England ku yaala ee Old Trafford.

Taageerayaasha United ayaana sheegay in FA-ga laga doonatyo sidii ay ganaaxa u saareen Macalinkooda Mourinho, si lamida ay u ciqaabaan Klopp.  Waxaa jiray in Arsene Wenger ay FA-ga bishii lasoo dhaafay, ay dacwad kusoo oogeen, Wenger kadib markuu riixay garsooraha afaraad Anthony Taylor, waxaana loo taagay casaan intii ay socotay cioyaartii 2-1 kaga adkaadeen Burnley, iyadoona ugu danbeyntii Wenger si rasmi ah loogu ganaaxay in afar kulan uu kooxdiisa ka maqnaado.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/taageerayaasha-manchester-united-oo-fa-ga-egland-uu-cadaalada-mariyo-tababare-klopp-kadib-qanaaxii-uu-kula-kacay-garsooraha-afaraad/">Taageerayaasha Manchester United oo FA-ga Egland ugu baaqay inuu cadaalada mariyo tababare Klopp kadib qanaaxii uu kula kacay garsooraha afaraad</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *