<

Home » Falanqeyn » Taageerayaasha Arsenal oo Galabta Ku Mudaaharaadi Doona Ciyaaryahan Katirsan Arsenal- Muxuu Sameeyay?

Taageerayaasha Arsenal oo Galabta Ku Mudaaharaadi Doona Ciyaaryahan Katirsan Arsenal- Muxuu Sameeyay?

Taageerayaasha Arsenal ayaa ugu baaqay tababare Arsene Wenger inuu keydka fariisiyo Weeraryahanka Olivier Giroud marka uu wajahayo kooxda Chelsea.

30-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday lix kulan oo isku xigta Premier League, laakiin waxaa uu ku guuldareystay inuu sameyn badan ku yeesho kooxiisa oo guuldarro 2-1 kala kulantay kooxda Watford.

Weeraryahanka ayaa awoodi waayay inuu xerada ganaaxa kubado badan ku taabto, halka saaxiibadiisa Theo Walcott iyo Lucas Perez oo bedel loo isticmaalay ay sameyn badan ku yeesheen garoonka.

Wuxuu qaab ciyaareed fiican sameeyay xilli ciyaareedkan kulamada uu kasoo kacay kursiga keydka kooxda Gunners, isagoo dhaliyay 10 gool 22 kulan oo uu saftay.

Taageerayaasha Arsenal ayaa ugu baaqaya macalin Wenger inuu gadaal kasoo geliyo ciyaarta adag ee Chelsea weeraryahanka reer France.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha Arsenal ayaa rajeyneysa in Giroud laga saaro line-upka kooxda marka ay wajahaayn Premier League galabta kooxda Chelsea.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/taageerayaasha-arsenal-oo-galabta-ku-mudaaharaadi-doona-ciyaaryahan-katirsan-arsenal-muxuu-sameeyay/">Taageerayaasha Arsenal oo Galabta Ku Mudaaharaadi Doona Ciyaaryahan Katirsan Arsenal- Muxuu Sameeyay?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *