<

Home » Horyaalada » Premier League » SUUQA: Patric Evra oo talaabo yar ujira inuu kuso laabto Horyaalka Ingiriiska – Kooxdee ayuu ku biiri doonaa?

SUUQA: Patric Evra oo talaabo yar ujira inuu kuso laabto Horyaalka Ingiriiska – Kooxdee ayuu ku biiri doonaa?

Kooxda ee Crystal Palace ayaa  xaqiijisay in dooneyso saxiixa daafaca bidix ee Juventus Patrice Evra, laakiin majalada France kasoo baxda ee L’Equipe ayaa sheegaysa in kooxda dhisan Premier League ay tartan adag kala kulmeyso dhinaca Lyon oo France ka dhisan.

Daafaca Juventus ayaa horay u sheegay inuu aad u jecel yahay inuu ku laabto dalkiisa hooyo ee France, iyadoona lala xiriirinayay maalmihii lasoo dhaafay inuu laacibkan uu ka tagayo kooxdiisa The Old Leddy, waxaana xusid mudan in mar lagu xantay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford oo uu horey ugu soo ciyaaray.

Tababaraha kooxda Crystal Palace Sam Allardyce, ayaa tan u noqoneysa mid wanaagsan haddii ay helaan adeega ciyaaryahankan, khabiirka 35-sano jirka ah ayaa waxa uu hadda isha ku hayaa inuu isaga tago kooxdiisa maadaama uusan ku faraxsaneyn kursiga Keydka ee Juve.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-patric-evra-oo-talaabo-yar-ujira-inuu-kuso-laabto-horyaalka-ingiriiska-kooxdee-ayuu-ku-biiri-doonaa/">SUUQA: Patric Evra oo talaabo yar ujira inuu kuso laabto Horyaalka Ingiriiska – Kooxdee ayuu ku biiri doonaa?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *