<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » SUUQA KALA IIBSIGA: Manchester United Iyo Chelsea Oo Dalab £ 172million Ah Ka Gudbiyay Laacibka Real Madrid Gareth Bale

SUUQA KALA IIBSIGA: Manchester United Iyo Chelsea Oo Dalab £ 172million Ah Ka Gudbiyay Laacibka Real Madrid Gareth Bale

Manchester United iyo Chelsea ayaa qorsheyneya £ 172million dalab ah in ay kusoo qaataan Gareth Bale xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Spain.

Xiddiga reer Wales ayaa u dhaqaaqay Real Madrid markii uu kaga tagay Tottenham xagaagii 2013 £ 86 oo aheyd lacagta rikoor aduunka ugu qaalisan.

Bale ayaa ku guuleystay Champions League labo jeer isagoo dhaliyay goolkii go’aamiyay Finalkii Copa del Rey iyo koobka kooxaha adduunka laba sanno ka hor.

Inkasta oo uu sidoo kale ka guukeysan wali wax horyaalka La Liga ah haddana kooxdiisa ayaa hogaamineysa xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Don Balon, ayaa shaaca ka qaaday maanta in kooxaha United iyo Chelsea ay qorsheynayaan in dhaqaale ay u isticmaalaan sidii ay ugu celin lahaayeen xidigan Premier League.

Lama oga sida dalabkaan ay ugu jawaabi doonto kooxda Real Madrid, laakiin qiimahaan waalida ah ayaa ku qasbi kara in Bale uu ku laaabto England.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-manchester-united-iyo-chelsea-oo-dalab-172million-ah-ka-gudbiyay-laacibka-real-madrid-gareth-bale/">SUUQA KALA IIBSIGA: Manchester United Iyo Chelsea Oo Dalab £ 172million Ah Ka Gudbiyay Laacibka Real Madrid Gareth Bale</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *