<

Home » Horyaalada » Premier League » SUUQA KALA IIBSIGA:- Man City oo aan wali ka quusan adeega laacib u ciyaara kooxda Arsenal, mana ahan Chamberlain

SUUQA KALA IIBSIGA:- Man City oo aan wali ka quusan adeega laacib u ciyaara kooxda Arsenal, mana ahan Chamberlain

Wararka ugu weyn ee suuqa kala iibsiga ee ciyaaryahanada ayaa maanta ah in tababaraha kooxda Man City, uu doonayo xiddiga daafaca midi gee Arsenal Hector Bellerin.

Sida aynu kasoo xiganeyno Majalada The Times, Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu soo cusbooneesiiyo xiisaha uu u qabo daafacan ay kasoo wada jeedaan Spain, isagoona u arka xalka mustaqbalka dheer ee daafaciisa midig.

Bellerin ayaa horay loola xiriiriyay in City uu ku biiri karo, balse waxa ay sheekooyinkaas xanta ah soo afjarmeen, ka gadaal markii uu laacibkaan, saxiixay qandaraas cusub oo ku kacaya £30m, bishii November oo aynu soo dhaafnay.

Inkastoo ay macquul ahayn, in Bellerin uu ka tago inta uu furan yahay suuqa kala wareega ciyaaryahanada bishaan Janaayo, ayaana hadda waxaa macquul ah in Pep uu usoo dagaal galo xagaaga danbe si uu gacanta ugu dhigi lahaa, daafacan leh tayada weerar iyo mid daafac ee kasoo baxay Akadeemiyada Barcelona.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-man-city-oo-aan-wali-ka-quusan-adeega-laacib-u-ciyaara-kooxda-arsenal-mana-chamberlain/">SUUQA KALA IIBSIGA:- Man City oo aan wali ka quusan adeega laacib u ciyaara kooxda Arsenal, mana ahan Chamberlain</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *