<

Home » Horyaalada » Premier League » Suuqa Kala Iibsiga: Kooxda Chelsea oo Maankeeda uweecisay Qad dhexe uciyaara Kooxda Fiorentina

Suuqa Kala Iibsiga: Kooxda Chelsea oo Maankeeda uweecisay Qad dhexe uciyaara Kooxda Fiorentina

Wakiilka xidiga Milan Badelj ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay wadahadal kula jirto xidigan qadka dhexe ah, laakiin laga yaabo inuusan heshiis deg deg ah dhicin.

Xidiga qaranka Croatia ayaa heshiiskiisa kooxdaas uu dhacayaa 2018, waxaana uu iska diiday dhawaan inuu heshiis cusub usaxiixo kooxda Viola.

Milan, Inter iyo Roma ayaa sidoo kale ku dagaalamaya saxiixa ciyaaryahankan, laakiin Antonio Conte ayaa haatan umuuqda mid saxiixiisa soo gaba gabeynaya.

“Wax dalab ah kama aanan helin Roma saacadihii ugu danbeeyay ee Suuqa,” wakiil Dejan Joksimovic ayaa sidaas usheegay ForzaRoma.

“Chelsea? waxaan ogahay iney wali doonayaan saxiixisa laakiin ma jiraan wax rasmi ah oo laga heshiiyay.”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-kooxda-chelsea-oo-maankeeda-uweecisay-qad-dhexe-uciyaara-kooxda-fiorentina/">Suuqa Kala Iibsiga: Kooxda Chelsea oo Maankeeda uweecisay Qad dhexe uciyaara Kooxda Fiorentina</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *