<

Home » Horyaalada » Premier League » SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxda Chelsea oo dalab lama filaan ah ka gudbisay Ciyaaryahan dhaliyay 40 Gool & Afar koox oo kula tartameysa

SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxda Chelsea oo dalab lama filaan ah ka gudbisay Ciyaaryahan dhaliyay 40 Gool & Afar koox oo kula tartameysa

Tababare Antonio Conte ayaa si rasmi ah ugu dhaqaaqaya saxixia xidiga kooxda Sassuolo Domenico Berardi, inkastoo ay dagaal xoogan kala kulmeyso kooxda Juventus

22 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa la ogaanayaa in lagu heli karo lacag dhan €25m kooxda Chelsea ayaana dooneysa saxiisa bisha January.

Xidigan ayaa 90 kulan oo horyaalka ah ku dhaliyay 40 gool halka uu 25 kalana waaciye ka ahaa, waxaana uu haatan umuuqdaa mid doonaya tartan weyn.

Tababaraha reer Italy CONTE ayaa haatan dalbanaya inuu helo saxiixa Berardi sidaas waxaa sheegaya wargeyska La Repubblica.

Kooxaha Inter Milan, Roma, iyo AC Milan ayaa sidoo kale kamid ah kooxaha doonaya xidigan heerka caalami ee weerarka ka ciyaara.

Naadiga Nerazzurri ayaa la aamisan yahay iney aad uxiiseyneyso ciyaaryahankan, halka 22 jirkaan uu ilaa yaraantiisii taageero u ahaa Inter Milan.

Kooxda Juventus ayaa sidoo kale  €25m kula soo saxiixan karta xidigan, laakiin xagaagii lasoo dhaafay Berardi ayaa diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Turin, isagoo doonayay inuu si joogta ah uciyaaro.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-kooxda-chelsea-oo-dalab-lama-filaan-ah-ka-gudbisay-ciyaaryahan-dhaliyay-40-gool-afar-koox-oo-kula-tartameysa/">SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxda Chelsea oo dalab lama filaan ah ka gudbisay Ciyaaryahan dhaliyay 40 Gool & Afar koox oo kula tartameysa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *