<

Home » Horyaalada » Premier League » SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxda Arsenal oo Kooxaha Chelsea & United ka dulqaaday Saxiixa Daafaca Kostas Manolas

SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxda Arsenal oo Kooxaha Chelsea & United ka dulqaaday Saxiixa Daafaca Kostas Manolas

Kooxda Arsenal ayaa la ogaanayaa iney heshiis shaqsi ahaaneed la gaartay daafaca kooxda Roma Kostas Manolas isagoo lacag dhan €55m ku aadaya London.

Naadiga Gunners ayaa heshiiska xidigan ka dulqaadeysa kooxaha Man United iyo Chelsea, wararka ayaana sheegaya in daafacan qaranka Greece uu sii joogi doono kooxda Roma ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Wargeyska Daily Express, ayaa sheegaya in Arsenal ay daafacan ka dhiganeyso badalka Laurent Koscielny oo 31 jir ah iyo Per Mertesacker oo 32 jir ah.

Manolas ayaa iska diiday inuu heshiis cusub usaxiixo kooxdiisa Roma taas oo qasab uga dhigtay iney lacag badan ku iibiso

Chelsea oo dooneysay saxiixisa ayaa haatan ka weecatay, halka Inter Milan ay sidoo kale ku fashilantay helitaankiisa.

Monalas oo ah daafac si weyn loo qiimeeyo ayaase la filayaa in xagaaga danbe uu kusoo biiro kooxda London ka dhisan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-kooxda-arsenal-oo-kooxaha-chelsea-united-ka-dulqaaday-saxiixa-daafaca-kostas-manolas/">SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxda Arsenal oo Kooxaha Chelsea & United ka dulqaaday Saxiixa Daafaca Kostas Manolas</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *