<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Suuqa Kala Iibsiga: Kooxaha Barca & Real oo war farxad leh ka helay Dybala

Suuqa Kala Iibsiga: Kooxaha Barca & Real oo war farxad leh ka helay Dybala

Kooxaha Horyaalka Spain ayaa isku diyaarinaya saxiixa weeraryahanka naadiga Juventus Paul Dybala

Saxaafada Italy ayaa sheegaysa in xidigan uusan ku faraxsaneyn garoonka Juventus isla markaana uu diyaar uyahay inuu dhagaysto dalabyada kaga imaanaya Spain

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa si weyn udoonaya saxiixa xidigan halka Manchester United ay sidoo kale qiimeyneyso xaaladiisa

Xidigan qaranka Argentina ayaa diiday inuu gacan qaado ama salaamo tahabarihiida kadib markii badal loo taagay qeybtii danbe ee kulankii ay Juventus badisay.

Laakiin xidigan ayaanan lagu heli karin lacag fudud. Waxaana Messi-ga cusub ee kubada cagta lagu qiimeeyaa 80 Milyan

Si kastaba. Kooxda Juventus ayaa udagaalami doonta iney cashato 20 jirkaan labada lug ku dheela.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-kooxaha-barca-real-oo-war-farxad-leh-ka-helay-dybala/">Suuqa Kala Iibsiga: Kooxaha Barca & Real oo war farxad leh ka helay Dybala</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *