<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » SUUQA KALA IIBSIGA;- Hogaamiyaha Chelsea oo goolhaye 40 jir ah bedel kaga dhigeysa Asmir Bocavic

SUUQA KALA IIBSIGA;- Hogaamiyaha Chelsea oo goolhaye 40 jir ah bedel kaga dhigeysa Asmir Bocavic

Tababare kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa xiiso weyn u qaba goolhayaha kooxda Celtic ninka lagu magacaabo Craig Gordon, si uu bedel ugu noqodo goolhayaha labaad ee Blues Asmir Bocavic, oo ka gadoodsan kooxda islamarkaana doonayo inuu ku biro naadiga Bournemouth.

Goolayaha heerka caalami ee qaranka Scotland, ayaa waxa uu damacsan yahay tababaraha Talyaaniga inuu kusoo qaato aduun lacageed dhan £3million, inkastoo ay kooxda Celtic ay lacagtaas ka biyo diidan tahay.

Conte ayaa u arka in shabaq ilaaliyahan inuu ku haboon yahay garoonka Satmford Bridge ee wuqooyiga London, Gordon, ayaa hadda qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigo horyaalka Scottish, isagoona kooxdiisa Celtic wax badan ka caawiyay.

Gordon, oo ah 34-sano jir ah ayaa waxa uu saftay 100 kulan tan iyo markii uu kusoo biiray horyaalka Scottish naadiga ka dhisan ee Celtic.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-hogaamiyaha-chelsea-oo-goolhaye-40-jir-ah-bedel-kaga-dhigeysa-asmir-bocavic/">SUUQA KALA IIBSIGA;- Hogaamiyaha Chelsea oo goolhaye 40 jir ah bedel kaga dhigeysa Asmir Bocavic</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *