<

Home » Horyaalada » Premier League » SUUQA KALA IIBSIGA: David Silva Iyo Samir Nasri Oo Dib Ula Midoobi Doona Macalin Manuel Pellegrini

SUUQA KALA IIBSIGA: David Silva Iyo Samir Nasri Oo Dib Ula Midoobi Doona Macalin Manuel Pellegrini

Manchester City labadeeda ciyaaryahan ee David Silva iyo Samir Nasri ayaa laga yaabaa in ay ku biiraan xiddigaha u jiheysan Chinese Super League si ay ula midoobaan tababarihii hore ee City Manuel Pellegrini.

koox Hebei Fortune ayaa qorsheynaysa in £80m ay kula soo wareegaan labada ciyaaryahan ee kooxda Etihad , sida lagu daabacay wargeyska The Sun.

SunSport ayaa fahmsan in macalin Pellegrini doonayo inuu bixiyo lacag dhan £ 50m, si uu ulasoo wareego Silva halka Nasri £ 30m uu usoo qaadan karo.

Waxaa la rumeysan yahay in Silva uusan rabin inuu ka tago Etihad Stadium, islamarkaana uu ku faraxsan yahay ka hoos shaqeynta Pep Guardiola iyadoo labo-sanno ay uga hartay qandaraaskiisa.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Faransiis Nasri – ayaa amaah ku jooga kooxda reer Spain ee Sevilla – waxaa loo malaynayaa inuu u dhaqaaqo China.

Pellegrini ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo labada ciyaaryahan ee David Silva iyo Samir Nasri inuu u dhaqaajiyo Chine.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-david-silva-iyo-samir-nasri-oo-dib-ula-midoobi-doona-macalin-manuel-pellegrini/">SUUQA KALA IIBSIGA: David Silva Iyo Samir Nasri Oo Dib Ula Midoobi Doona Macalin Manuel Pellegrini</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *