<

Home » Horyaalada » Premier League » Suuqa Kala Iibsiga: Conte & Isbadalkiisa Cusub – Courtois oo baxaya, Morata & Hart oo imaanaya

Suuqa Kala Iibsiga: Conte & Isbadalkiisa Cusub – Courtois oo baxaya, Morata & Hart oo imaanaya

Tababare Antonio Conte ayaa iska iibin doona goolhaye Thibaut Courtois kaas oo bartilmaameed u ah Real Madrid — waase hadii ay heshiiskaas kusoo darayaan weeraryahanka Alvaro Morata.

Kooxda Chelsea ayaa baadi goobeysa weeraryahankan reer Spain kaas oo haatan aanan damaanad qaad buuxa ka haysan kooxdiisa Real Madrid.

Conte ayaa u arka Morata inuu yahay weeraryahanka leh qaab ciyaareedka kooxdiisa, waxaana uu taageero uyahay awoodiisa ciyaareed iyo shaqsiyadiisa.

Kooxda Real Madrid, ayaa dhankeeda bartilmaameedka koobaad ka dhiganeysa goolhayaha Courtois kaas oo haatan wacdaro ka dhigaya kooxda London ka dhisan.

Morata ayaa ku dhibtoonaya kadib soo laabashadiisii Bernabeu xili ciyaareedkan, waxaana kooxda hogaanka horyaalka La LIGA haysa ay dooneysaa iney sii haysato.

nintchdbpict000170294379

Dhanka kale Goolhayihii hore ee Atletico ayaa dhawaan sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto caasimada Spain oo uu kasoo ciyaaray

Si kastaba, koxoda Chelsea ayaa udhaqaaqeysa badalka goolhayahan reer Belgium, waxaana uu isha ku hayaa saxiixa goolhayaha amaahda uga maqan ee Joe Hart.

Hart ayaa haatan qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Torino, 28 jirkaan ayaana kalsooni ka haysan tababare Pep Guardiola, waxaana macquul ah inuu ku biiro naadiga London ka dhisan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-conte-isbadalkiisa-cusub-courtois-oo-baxaya-morata-hart-oo-imaanaya/">Suuqa Kala Iibsiga: Conte & Isbadalkiisa Cusub – Courtois oo baxaya, Morata & Hart oo imaanaya</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *