<

Home » Horyaalada » Premier League » Suuqa Kala Iibsiga: AC Milan oo Suuqa Soo dhigtay Weeraryahan uu ku waalnaa Tababare Arsene Wenger

Suuqa Kala Iibsiga: AC Milan oo Suuqa Soo dhigtay Weeraryahan uu ku waalnaa Tababare Arsene Wenger

Kooxaha Horyaalka Ingiriiska ee doonaya saxiixa M’Baye Niang ayaa loo shegay iney la wareegi karaan xidigan.

Kooxda AC Milan ayaa dooneysa iney xidigan iibiso bisha January, waxaana laga saaray liiska ciyaaryahanada ee Coppa Italia la ciyaaraya caawa Juventus.

Tababaraha AC Milan Vincenzo Montella ayaa xaqiijiyay in weeraryahankan ay suura gal tahay inuu ka tago garoonka San Siro, waxaana  Niang lala xariirinayaa horyaalka Ingiriiska England.

Kooxda Arsenal ayaa ugu horeysa liiska kooxaha Ingiriiska ee doonaya weeraryahankan reer France kaas oo ciyarayahan muhiim ah ka ahaa shaxda AC Milan.

nintchdbpict0002896394051

AC Milan ayaa aqbali doonta dalabka Arsenal, maadaama ay dhawaan lasoo saxiixatay  weeraryahanka Everton Gerard Deulofeu.

Kooxaha kale ee doonaya saxiixa weeraryahankan waxaa kamid ah Everton, Crystal Palace iyo West Ham, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa umuuqda inuu ku horeeyo saxiixa weeraryahankan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/suuqa-kala-iibsiga-ac-milan-oo-suuqa-soo-dhigtay-weeraryahan-uu-ku-waalnaa-tababare-arsene-wenger/">Suuqa Kala Iibsiga: AC Milan oo Suuqa Soo dhigtay Weeraryahan uu ku waalnaa Tababare Arsene Wenger</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *