<

Home » Horyaalada » Premier League » Steven Gerrard oo Liverpool farta ugu fiiqay daafac ku haboon, kana ciyaara gudaha Egland

Steven Gerrard oo Liverpool farta ugu fiiqay daafac ku haboon, kana ciyaara gudaha Egland

Halyeygii hore ee kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa dareensan in kooxdiisii hore ee Liverpool ay aad ugu baahan tahay inay u dhaqaaqo soo xeregalinta daafaca dhexe ee kooxda Southampton Virgil van Dijk, iyadoona xiddigaan la hadal hayo inuu ka dhaqaaqayo kooxdiisa Sants.

Ciyaaryahankan u dhashay qaranka Holland ayaa sameeyay sumcad aad u ballaaran tan iyo markii uu kusoo biieay St Mary Stadium, sanadii 2015-kii markaasoo uu ka yimid naadiga Celtic.

25-sano jirkaan, waxaa horay usoo bandhigay xiisaha ay u qabaan kooxo badan oo ay mid yihiin Manchester City iyo Chelsea, iyadoona haddii ay hesho Liverpool uudabooli doono daafacan baahi badan oo uu ku heysatay dhanka daafaca garoonka Anfield Jurgen Klopp.

Gerrard, oo ka qeyb qaadan doona door tababarenimo Academy-da Liverpool, bisha soo socota ayaa u sheegay BT Sport: “kumaa u maleyneysaa inaan u baahan nahay, waan aadi lahaa, waana isku dayi ahaa inaan kasoo iibsado Van Dijk kooxda Southampton”.

Southampton ayaa sidoo kale u arkeysa in kabtankeeda Jose Fonte uu ku wajahan yahay West Ham inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishanJanaayo.

Southampton ayaa rajeyneysa inay isticmaasho daafaceeda Van Dijk, kulanka lugta labaad ee EFL Cup semi-final-kiisa oo ay Liverpool ka hortagi doonaan Arbacada, inkastoo uu  dhaawac kasoo gaaray kulankii Leicester City kaga adkaadeen garoonkooda, iyagoona u arka mid muhiim u ah kulankan ka dhici doona garoonka Anfield.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/steven-gerrard-oo-liverpool-farta-ugu-fiiqay-daafac-ku-haboon-kana-ciyaara-gudaha-egland/">Steven Gerrard oo Liverpool farta ugu fiiqay daafac ku haboon, kana ciyaara gudaha Egland</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *