<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » SPORT: Haweeneydii u ololeyneysay in la xiro Messi & Neymar Waa Masuul katirsan Real (SAWIR)

SPORT: Haweeneydii u ololeyneysay in la xiro Messi & Neymar Waa Masuul katirsan Real (SAWIR)

Wargeyska Barcelona taageera ee Sport ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray haweeney la rumeysan yahay iney ka danbeysay in dacwado dhanka canshuuraha ah lagu soo eedeeyo Messi iyo Neymar.

“Haatan ma awoodaan xataa iney qariyaan arintaan.” taas waa sida uu soo qoray taageero kooxda Barcelona ah kaas oo bartiisa Twitterka soo dhigay sawir la qaaday intii ay socotay ciyaartii Real Madrid iyo Real Sociedad

Sawirkan ayaa muujinaya in qeybta madaxda Real ee garoonka Santiago Bernabeu lagu arkay haweeneydii ka danbeysay in dacwado lagu soo rogo Neymar iyo Messi, wargeyska ayaana shegaya in madaxweynaha kooxdaas Madrid Florentino Perez uu arintaas ku lug leeyahay.

lawyer-1485728971120

Gabadhan ayaa lagu magacaabaa Marta Silva, waana agaasimihii hore ee kooxda Real Madrid haatana ah xeer ilaaliyaha kaas oo maxkamad kusoo oogtay Lionel Messi iyo Neymar oo la xariirta canshuuraad la qayaameeyay.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya , tusaale Kiiska Messi, haweeneydan ayaa aheyd mid ka shaqeyneysay in Messi lagu xakumo xabsi inkastoo aysan jirin sabab sidaas loo sameeyo.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo oo lagu soo eedeeyay lunsi canshuureed ayaa si deg deg ah kiisiisa loo xiray kadib markii ay maxkamadu sheegtay inuusan wax qayaano ah sameyn, wargeyska ayaana sheegay in haweeneydan ay aheyd tii arintaas sida deg deg ah uxalisay

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/sport-haweeneydii-u-ololeyneysay-in-la-xiro-messi-neymar-waa-masuul-katirsan-real-sawir/">SPORT: Haweeneydii u ololeyneysay in la xiro Messi & Neymar Waa Masuul katirsan Real (SAWIR)</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *