<

Home » Wararka Maanta » SOO LAABASHO WANAAGSAN: Devid Beckham oo dib ugu laabtay Kooxda PSG

SOO LAABASHO WANAAGSAN: Devid Beckham oo dib ugu laabtay Kooxda PSG

David Beckham ayaa kusoo laabtay kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain waxaana uu la kulmay qaar kamid ah ciyaaryahanadii ay isla ciyaari jiren.

Kabtankii hore ee Ingiriiska ayaa PSG usoo ciyaaray 2013,waxaana ay aheyd kooxdiisii ugu danbeysay kahor inta uusan kubada cagta ka fadhiisan

41 jirkaan Beckham, ayaa ku laabtay caasimada France, laakiin sheekada ayaa kaliya ah inuu kaliya wareysi siiyo tv-ka kooxdaas sidoo kale waxaa uu booqday qolka labiska oo uu sawiro ku galay.

PSG ayaa sidoo kale gudoonsiiyay Beckham numberkiisii 32 ee uu kooxda ka wadan jiray waxaana loogu qoray “Welcome back David” soo dhawoow mar kale David”

Beckham ayaa sidoo kale la kulmay kabtanka kooxda PSG Thiago Silva,daafaca Maxwell iyo kubad sameeyaha Javier Pastore, kuwaas oo ay kooxda iskala ciyaareen

“Waa wax cajiib ah inaan kusoo laabtay Paris,” Beckham ayaa sidaas sheegay.

beckham-cropped_fz5x19fhx76s18f15xk23mizg

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/soo-laabasho-wanaagsan-devid-beckham-oo-dib-ugu-laabtay-kooxda-psg/">SOO LAABASHO WANAAGSAN: Devid Beckham oo dib ugu laabtay Kooxda PSG</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *