<

Home » Horyaalada » Premier League » Sky Sports oo Shax Isku Dar ah ka diyaarisay Chelsea Vs Arsenal – Conte oo garaacay dhigiisa Wenger

Sky Sports oo Shax Isku Dar ah ka diyaarisay Chelsea Vs Arsenal – Conte oo garaacay dhigiisa Wenger

Kooxaha Chelsea v Arsenal, ayaa kulan xiiso badan sabtida isku arkaya hase ahaatee Sky Sports ayaa shax isku dar ah ka diyaarisay labadan koox.

Shaxdan oo loo soo xushay qaab ciyaareedkii ciyaaryahanada labada koox iyo awoodahii ay soo bandhigeen kulamadii hore ayaa waxaa kusoo baxay xidigo badan oo Chelsea

Shaxdan ayaa waxaa loo soo xushay mida uu ciyaaro tababare Antonio Conte ee ah 3-4-3 – laakiin taas ayaa ka dhigan in Arsenal aysan xidigo badan ku laheyn

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa booska koobaad ku garaacay Petr Cech, waxaana da’yarka reer Belgium aanan wax gool ah laga dhalin 13 kulan, waxaana 23 kulan laga dhaliyay kaliya 16 gool halka goolhayaha Arsenal Cech uu kaliya shabqaiisa difaacday 7 kulan waxaase laga dhaliyay 25 gool.

 Dhanka Daafaca Arsenal Laurent Koscielny ayaa ah kan ilaa haatan daafaca dhexe ee shaxdan ugu wanagsan waxaana kula soo biiray labada daafac ee kala ah Cesar Azpilicueta iyo Gary Cahill, iyadoo David Luiz uu shaxdan kusoo bixi waayay.
skysports-chelsea-arsenal-combined-xi-graphic_3883751

Garbaha waxaa ciyaaraya Marcos Alonso iyo Victor Moses oo si weyn uga dhex muuqda shaxda macalin Conte ee 3-4-3, halka Kante uu yahay bur buriyaha shaxdan, laakiin Ozil ayaa booska kala baxay Matic.

Labada ciyaaryahan ee Hazard iyo Alexis Sanchez ayaa kasoo muuqday garbaha weerarka ee shaxda, waxaana booska weerarka hore ciyaaraha gooldhaliyaha Chelsea D.Costa.

Shaxdan ayaa waxaa lagu soo xulay qaabkii uu ciyaari lahaa macalin Conte, taas oo ka dhigan inuu ku garaacay dhigiisa Arsene Wenger.

Si kastaba, labada koox ayaa kulan aad uxiisa badan beri isaga hor imaan doona garoonka Stamford Bridge.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/sky-sports-oo-shax-isku-dar-ah-ka-diyaarisay-chelsea-vs-arsenal-conte-oo-garaacay-dhigiisa-wenger/">Sky Sports oo Shax Isku Dar ah ka diyaarisay Chelsea Vs Arsenal – Conte oo garaacay dhigiisa Wenger</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *