<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » SHIRKII ZIDANE: Dhaawaca James, Kulanka Celta Vigo, Iney usoo bixi karaan wareega Xiga & Arimihii uu Zidane ka hadlay

SHIRKII ZIDANE: Dhaawaca James, Kulanka Celta Vigo, Iney usoo bixi karaan wareega Xiga & Arimihii uu Zidane ka hadlay

James Rodriguez ayaa dhaawac kale uu soo gaaray sidaas waxaa xaqiijiyay tababare Zinedine Zidane, xili kooxda hogaanka haysa ay la dhibtooneyso dhaawacyo badan.

Kubad sameeyahan reer Colombia  James ayaa seegay afartii kulan ee ugu danbeysay ee dhamaan tartamada kadib dhaawac kasoo gaaray anwoga bidix, waxaana haatan uu maqnaan doonaa kulamo kale.

“James waxaa uu dhibaato ka qabaa lugtiisa kale,” Zidane ayaa sidaas usheegay saxaafada kahor kulanka ay isku diyaarinayaan lugta labaad ee Copa del Rey oo ay usafrayaan  Celta Vigo, xili garoonkooda lugtii koobaad looga badiyay 2-1

“Wa tarar, mase ahan mid halis ah qeyb ahaana wuu fiican yahay”.ayuu hadalkiisa ku daray macalinka reer France

zidane

Madrid ayaa sanadkan ku bilowday guuldarooyin, hase ahaatee kulankii ay Malaga ka badiyeen ayaa soo gaba gabeysay guuldarooyin xariir ah oo soo gaaray, laakiin dhaawacyada ayaa ugu daran.

Waxaa kooxdan dhaawac uga maqnaan doona Marcelo, Luka Modric oo seegaya kulanka Vigo, halka Pepe, Dani Carvajal iyo  Gareth Bale ay maqan yihiin.

lukamodric-cropped_eecqi64hj4kg1iurcpuxzerk5

“Waa run inaan dhaawacyo ay nasoo gaareen kulamadii ugu danbeeyay, laakiin waxaan doonayaa inaan dhaho, aniga ayaa ka masuul ah wax walba, dadka halkan wax wanaagsan ayay sameynayaan oo ah iney hubiyaan in ciyaaryahanada ay Ok yihiin” Zidane ayaa sidaas usheegay saxaafada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Zidane yiri “Waxaa ay aheyd inaan qof walba haysto, Haa, waanse ka xumahay dhaawacyadaas qaarkood, laakiin waxba kama sameyn karno”.

“Xili ciyaareedkan, waxan dhacay, haatan waa inaan waqtiga dhanka kale ujeedinaa, wax wel wel ahna nama haysto waxaan dooneynaa kaliya inaan horey usocono.”Zidane ayaa sidaas yiri

marcelo-and-modric

Tababaraha reer France Zidane ayaa sheegay inuusan wax shalay ah ka qabin guuldarooyinkii kooxdiisa sii wajahay, laakiin uu isha ku hayo inuu sii wado guushii uu ku bilaabay kulankii Malaga

“Waa arin adag, maxaa yeelay dhamaan su’aalahan waad maqleysaa, waxaad ku fakari doontaa inaan nahay kuwa ugu koreeya marka loo fiiriiyo kuwa ugu hooseeya,” ayuu yiri Zidane.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Zidane yiri “Wax walba oo ka dhaca qolka labiska waa wax iska caadi ah, hadii aad ka wal washo dhaawacyada ama kulamada lagaa badiyo, kama wal walo arintaas, waxaana dooneynaa in qolkeena labiska uu sii ahaado sidii oo kale”

zidan-e

Mar uu ka hadlayay kulanka lugta labaad ee Celta Vigo ayuu yiri “Waan ognahay inaan ciyaari doono kulan adag, waxaana uu inoo yahay kulan weyn, markase wax walba ay si wanaagsan usocdaan wax walba waa fudeyd, laakiin 2-1 ayaa nalooga badiyay, laakiin wali waxaan haysanaa awood aan ku badino/

Dhanka kale tababare Zidane ayaa sheegay in kulankan uu kasoo tagay daafaca Raphael Varane taas oo ka dhigan in da’yar loo magacaabi doono kulankan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/shirkii-zidane-dhaawaca-james-kulanka-celta-vigo-iney-usoo-bixi-karaan-wareega-xiga-arimihii-uu-zidane-ka-hadlay/">SHIRKII ZIDANE: Dhaawaca James, Kulanka Celta Vigo, Iney usoo bixi karaan wareega Xiga & Arimihii uu Zidane ka hadlay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *