<

Home » Horyaalada » Premier League » Shirkii Wenger – Ramsey oo Sedex todobaad maqnaanaya, Xaalada Giroud, Kulanka Chelsea, Saxiixa Henrey-ga cusub & Arimihii uu ka hadlay

Shirkii Wenger – Ramsey oo Sedex todobaad maqnaanaya, Xaalada Giroud, Kulanka Chelsea, Saxiixa Henrey-ga cusub & Arimihii uu ka hadlay

Tababaraha Kooxda Arsenal ayaa shirkiisii jaraa’id ee kahor kulanka Chelsea kaga hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin dhaawaca Ramsey, xaalada Giroud, cabsida uu ka qabo Kante iyo sida uu isbadalka ugu sameeyay kooxdaas tababare Conte.

Xaalada Kooxdiisa kahor Kulanka Chelsea

Tababare Arsene Wenger ayaa ka hadlay xaalada dhaawacyada kooxdiisa waxaana uu yiri “Waxaan luminay Ramsey, laakiin Giroud waxaa uu maray tijaabo waana uu wanaagsanaan doonaa

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Welbeck “Waxaa laga yaabaa in Welbeck uu kooxda kusoo biiri karo, sidoo kale Chamberlain waxaa uu maanta maray tijaabo waxaana ay ila tahay inuu wanaagsanaan doono.”

Isagoo kasii hadlaya heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Ramsey ayaa waxaa uu yiri “Waxaan dhihi karaa waxa uu maqnaanayaa 21 beri, waxaanse haysanaa ciyaaryahano wanaagsan oo booskaas ka ciyaari kara”

“Adelaide, Maitland-Niles, Chamberlain waa ay ciyaari karaan booskaas.”ayuu hadalkiisa ku daray tababare Arsene Wenger.

Shaqadii uu ka fariistay Lampard

Tababaraha Arsenal ayaa wax laga weydiiyay shaqadii uu ka fadhiistay Frank Lampard “waxaa uu kamid ahaa kuwa ugu wanaagsan, waxaana uu ahaa ciyaaryahan aanan la aamini karin sanado badan.”

Saxiixa Henrey-ga cusub ee Mbappe

Wenger ayaa shaaciyay inuu ku dhawaaday saxiixa weeraryahanka Monaco isagoo yiri “Waa ciyaaryahan aan caadi aheyn, waxaan isku daynay saxiixiisa kuleylihii lasoo dhaafay, laakiin waxaa uu go’aansaday inuu sii joogo Monoco.”

Kulanka Chelsea

Kulankii koobaad ayay Arsenal 3-0 kaga badiyeen horyaalka, hadaba miyay ku celin doonaan guushaas oo kale?

Wenger oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri “laga yaabee in kooxdooda ay wax wanaagsan sameynayaan ilaa haatan, Conte ayaana isbadal wanaagsan ku sameeyay waxii dhacay.”

Awooda Kante

Tababare Wenger ayaa aamisan in xidiga qadka dhexe ee France kaas oo ilaa haatan ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan qadka dhexe

“Waan aamisanahay awooda Kante, taasna waxaa kuu cadeyneysa in Chelsea ay haatan joogto meeshii ay joogtay Leciester xili ciyaareedkii hore”

Maxaad ula soo saxiixan weysay ayaa la weydiiyay tababare ARSENE Wenger waxaana uu sheegay in wax walba ay suuqa ka adag yihiin.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/shirkii-wenger-ramsey-oo-sedex-todobaad-maqnaanaya-xaalada-giroud-kulanka-chelsea-saxiixa-henrey-ga-cusub-arimihii-uu-ka-hadlay/">Shirkii Wenger – Ramsey oo Sedex todobaad maqnaanaya, Xaalada Giroud, Kulanka Chelsea, Saxiixa Henrey-ga cusub & Arimihii uu ka hadlay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *