<

Home » Horyaalada » Premier League » Shirkii Jaraa’id ee Tababare Mourinho – Kulanka Leicester, dhawaacyada Kooxdiisa, Dhibaatada goolasha ka haysata & Saxiixyada uqorsheysan

Shirkii Jaraa’id ee Tababare Mourinho – Kulanka Leicester, dhawaacyada Kooxdiisa, Dhibaatada goolasha ka haysata & Saxiixyada uqorsheysan

Tababaraha Kooxda Man United Jose Mourinho ayaa saxaafada hortagay kahor kulanka ay kooxdiisa ka hortageyso naadiga Leicester City axada soo aadan.

United ayaa niyad jab kala kulantay kulankii habeen hore ee Hull City, kaas oo kusoo dhamaaday 0-0, waxaana ay isha ku hayaan iney badiyaan kulankaas.

Xaalada Kooxdiisa kahor kulanka Leicester City

Tababare Jose Mourinho ayaa wax laga weydiiyay xaalada kooxdiisa iyo hadii ay jiraan wax dhaawacyo ah kahor kulanka axada ee Leicester City

Waxaa uu sheegay in ciyaaryahanadiisa ay inta badan diyaar yihiin marka laga tago daafaca Phil Jones kaas oo uu sheegay inuu seegayo kulanka axada ee Leicester City

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Kooxda ay la ciyaarayaan ee Leicester City

“waa koox wanaagsan, waana ciyaar anaga ahaan aad inoogu adag, sidoo kale iyagana waxaa uu unoqon doonaa kulan adag”ayuu yiri Mourinho

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan joognaa booskii aan joognay kahor kulankii Hull City, mana aanan helin sedexdii dhibcood oo aan ubaahneyn, waana wax fudud, bar bardhac walba waxaan uqalanaa inaan badino, waligeyna ma aanan gelin bar bardhac ilaa uu nasiibka naga hiiliyo mooyee”

Mourinho ayaa rajeynaya in Leicester ay soo kabsan doonto

” wax macquul aan aheyn ayay Leicester sameysay xagaagii hore, suuragalna ma ahan iney sanadkan ku celiyaan oo ay xataa Champions League usoo baxaan, si adag ayay ushaqeynayeen ilaa dhamadkii, laakiin waa ku adag tahay iney ku celiyaan, waxaase qirayaa iney yihiin koox wanaagsan oo aanan anaga nagaareyn hadana waxaan rajeynayaa in sanadka danbe ay sidaan ka fiicnaan doonaan”

Mourinho oo qirtay dhibaatada dhanka goosha ka haysata

Macalinkii hore ee Chelsea ayaa qirtay in kooxdiisa ay dhibaato ka haysato dhanka gooldhallinta “Marka aad ka hadleyso goolasha Zlatan waxaa ay dhan yihiin 14 gool iyo hal rigoore, waxaana nahay koox weeraryahankeedu ugu sareeyo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Mourinho yiri “waan fahahsanahay waxa aad sheegeyso waxaan qaadnaa weerar badan waliba iyadoo ciyaaryahanada ay xor yihiin, waana kugu raacsanahay inaan dhalin goolal nagu filan, waanse inaan dhalinaa goolal badan, marka aad aragto goolal badan oo aan dhalino markaas wax walba waa saxan yihiin”

Mourinho ayaa ka hadlay saxiixyo waa weyn iyagoo ka maqan Champions League

“Waxaa ay ila tahay kahadalka suuqa kala iibsiga bisha Febuary inuusan wax minco ah laheyn, ilaa kuleylaha soo aadan waxba idiima sheegi karo, dabcan waan ogahay waxa aan doonayo”ayuu yiri Mourinho.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “waan ogahay waxa ay yihiin bartilmaameedyada saxda ah, mana jecli in kooxdeyda ay ka qeyb qaadato heshiisyo aysan macquul aheyn, waana waqti lumis|.

mourinho-griezmann

Sidoo kale waxaa la weydiiyay wararka la xariirinaya in kooxdiisa ay heshiis la gaartay Griezmann “waa hadiyad hadii United ay xiiseyneyso ciyaaryahanada aysan macquulka aheyn, laakiin ilaa inta laga gaarayo kuleylaha soo scoda, waxaan diirada saareyaa ciyaaryahanadeena, bartilmaameedyadeena iyo taageerayaasheena”.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/shirkii-jaraaid-ee-tababare-mourinho-kulanka-leicester-dhawaacyada-kooxdiisa-dhibaatada-goolasha-ka-haysata-saxiixyada-uqorsheysan/">Shirkii Jaraa’id ee Tababare Mourinho – Kulanka Leicester, dhawaacyada Kooxdiisa, Dhibaatada goolasha ka haysata & Saxiixyada uqorsheysan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *