<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » SHIRKII CR7- Inuu ku faraxsan in lala bar bardhigo Messi, In Xataa Canugiisa & Kan Messi la is bar bardhigo & Hadii uu 46 Sano kubada kaga fadhiisan doono

SHIRKII CR7- Inuu ku faraxsan in lala bar bardhigo Messi, In Xataa Canugiisa & Kan Messi la is bar bardhigo & Hadii uu 46 Sano kubada kaga fadhiisan doono

Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in waxa ugu wanaagsan uu usameeynayo kooxdiisa laakiin qorshaha uusan aheyn inuu xidig uyahay inuu la tartamo kaliya Lionel Messi

Weeraryahanka Real Madrid ayaa waxaa uu tartan xoogan kala  kulmaa weerayahanka naadiga Barcelona oo ay sanadihii danbe ku tartamayeen abaalmarinada shaqsiiyaded

Laakiin CR7 ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay ganacsigooda “waa qeyb kamid ah ganacsiga, laakiin ilama ahan inaad isla bar bardhigto waxyaabahan, Cristiano waa Cristiano, Messi-na waa Messi ,” Ronaldo ayaa sidaas usheegay majalada China kasoo baxda ee Dongqiudi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Labadeenaba waxaan nahay labo ciyaaryahan oo wanaagsan, shaqsiyadeena iyo koobabkii aan qaadnay ayaana wax walba inoo ah”.

Kabtanka qaranka Portugal oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri “Waxaa uu sameynayaa waxa ugu wanaagsan ee kooxdiisa, anigana sidoo kale, waxaan nahay kuwa loolama maxaa yeelay waxaan uciyarnaa kooxo kala duwan, laakiin marka aan wada joogno waxaa inaga dhaxeysa xushmad”

CR7 ayaa sheegay inuusan jecleyn is bar bardhiga“Ma jecli is bar bardhiga, hadalanada ima saameynayaan aniga, waxaan nahay labo qof oo kala duwan, waxaan dhahay dad sameynaya shaqadooda”.

Isagoo arintan kasii hadlaya ayuu yiri “Xataa waxa ay isbar bardhig ku sameeyaan caruurteena markii ay dhalanayeen, iskuukooda, sida ay u dhaqsiyo badan yihiin ama ay xariif uyihiin…”

Ronaldo ayaa dhanka kale ka hadlay dhaleeceynta uu wajahayay xili ciyaareedkan “Waxaan isku dayayaa inaan shaqadeysa sameeyo, aniga nafsad ahaanteyda, qof walba ayaana leh dad isaga neceb, kaliya aniga ma ahan, kaliya halkan uma joogo inaan qanciyo kuwa i taageersan, waxaanse doonayaa inaan taageerayaasha ka dhigo kuwa faraxsan|

Dhanka kale C.Ronaldo ayaa la weydiiyay hadii uu ka dhabeyn doono inuu kubada cagta kaga fariisan doono ilaa 41 sano.

“Hadii aan xaalad wanaagsan ku jiro, hadii aanan dhaawacyo haleelin, wali waan ku kalsoonahay, waxaana sii ciyaari karaa ilaa da’da 35, 36, 37, 41, 45… mase ogi, waxaa ay wax walba ku tiirsan yihiin maskaxdaada, waxaanse rajeynayaa in sanad walba uu ii noqdo mid wanaagsan, maxaa yeelay waxaan doonayaa inaan tan sameeyo, waana jeclahay,” ayuu yiri C.Ronaldo.

Ronaldo ayaa ka hortagi doona Celta Vigo caawa lugta labaad ee Copa del Rey xili kulankii hore guuldaro  2-1 ah ay kasoo gaartay Bernabeu.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/shirkii-cr7-inuu-ku-faraxsan-in-lala-bar-bardhigo-messi-in-xataa-canugiisa-kan-messi-la-is-bar-bardhigo-hadii-uu-46-sano-kubada-kaga-fadhiisan-doono/">SHIRKII CR7- Inuu ku faraxsan in lala bar bardhigo Messi, In Xataa Canugiisa & Kan Messi la is bar bardhigo & Hadii uu 46 Sano kubada kaga fadhiisan doono</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *