<

Home » Horyaalada » Premier League » Shan Sabab boo Paul Pogba Ka Dhigeysa Ciyaaryahanka khadka Dhexe ee ugu Fiican Premier League

Shan Sabab boo Paul Pogba Ka Dhigeysa Ciyaaryahanka khadka Dhexe ee ugu Fiican Premier League

Marna waa calaamad fiican sifaha ciyaaryahanka marka uu yahay mid ka ciyaara khadka dhaxe islamarkaana ay saran tahay masuuliyad badan.

warbaahinta bulshada ayaa qaab ciyaareedkiisa garoonka wax badan looga sheegaa ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Paul Pogba.

Laakiin Waa ammaan in la yiraahdo in Paul Pogba mustaqbalkiisa Manchester United wuxuu ku bilowday qaab cajiib ah.

warbaahinta Ingiriiska ayaa ka dhigaya ciwaanadooda hore xaalada Pogba iyo qiimaha sare ee uu ugu fadhiyo kooxda.

Waxaa saxaafada ay sheegaan in qiimaha uu ku fadhiyo uusan wali kasoo bixin marka laga hadlayo qaab ciyaareedkiisa kooxda.

Laakiin shantaan sabab ayaa ku muujineysa Paul Pogba inuu yahay ciyaaryahanka khadka dhaxe ee ugu wanaagsan Premier League.

!) Awood siinta Ciyaartooyda Dhaxe ee kooxda

Iyadoo Pogba uu u muuqdo mid kamid ah seddexda ciyaaryahan ee khadka dhexe saxiibka kula ah mid siinaya xuriyada badan, taas waxay la micno tahay inuu yahay ciyaaryahan sare.

2) Fahamka uu la leeyahay Jose Mourinho

Waa wax kalsoonaan badan in wada shaqeyn fiican ka dhaxeyso Jose Mourinho iyo Paul Pogba.

Jose Mourinho ayaa si cad u taageeray Pogba isagoo ku sheegay ciyaaryahanka dunida ugu fiican, taasoo muujineysa fahamka wanaagsan ee u dhaxeeya labada shaqsi.

3) Style uu ku ciyaaro

Inkastoo taageerayaasha La Liga ku indho qaboojisteen Xavi iyo Andres Iniesta, taageerayaasha Premier League ayaa had iyo jeer si wanaagsan usoo xusuusta Patrick Viera iyo Roy Keane ama Gerrard iyo Scholes marka ay arkaan Pogba.

4) Sameynta uu ku yeeshay Kooxda dhaxdeeda

Michael Carrick, Zlatan Ibrahimovic, Wayne Rooney – ayaa dhamana uu la sameeyay xiriir wanaagsan tan iyo markii uu kusoo biiray Pogba Manchester United.

5) Da’diisa

Marka uu kula guuleystay Juventus horyaalka Serie A isagoo dhalinyaro ah, waxa uu ahaa mid cajiib ah, laakiin 23 jirkaan ayaa hadda umuuqda midka ugu sameynta badan kooxda Manchester United.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/shan-saba-boo-paul-pogba-ka-dhigeysa-ciyaaryahanka-khadka-dhexe-ee-ugu-fiican-premier-league/">Shan Sabab boo Paul Pogba Ka Dhigeysa Ciyaaryahanka khadka Dhexe ee ugu Fiican Premier League</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *