<

Home » Horyaalada » Premier League » Sergio Aguero oo Jawaab ka bixiyay in Xubno qoyskiisa ah lagu qabtay iyagoo ka ganacsaya Daroogo & Alaabta lasoo xado

Sergio Aguero oo Jawaab ka bixiyay in Xubno qoyskiisa ah lagu qabtay iyagoo ka ganacsaya Daroogo & Alaabta lasoo xado

Weeraryahanka Sergio Aguero ayaa beeniyay wararka sheegaya in qaar kamid ah qoyskiisa lagu qabtay iyagoo wada waxyaabaha maandooriyaasha ah gudaha dalka Argentina.

Booliska garoonka diyaaradaha magaalada Buenos Aires ayaa baaritaan xoogan ku sameeyay gurigii hore ee ciiyaaryahankan

Xunaha la haysto waxaa kamid ah ayeeyada Aguero oo lala xariirinayo fal ah ka ganacsiga darooga iyo wayxaabaha lasoo xado, waxaana ilaa haatan falkaas loo xiray haweeney ciyaaryahankan qaraabadiisa kamid ah,  sidoo kale waxaa la qabtay  daroogo cabirkeedu yahay 200.

Laakiin fariin uu xidigan soo dhigay bogga twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ayeeyadiis ama dadka kale ee qoyskiisa ah aysan falkaas wax gacan ah ku laheyn.

“caadi ahaan kama jawaabo wararka la isla dhex wareegayo, laakiin kiiskan waa mid quseeya arimaha qoyskeyga mana ogolaan doono in waxaana ay sii socdaan,” ayuu bogiisa kusoo qoray ciyaaryahankan

Mar kale ayuu fariin kale soo dhigay isagoo dhahaya “Sheekooyinka saxaafada ay wareejineyso waa kuwa been abuur ah. waalidkii aabaheyn waa ay geeriyoodeen, hooyadey waalidkeedana waxaa ay ay ku nool yihiin Tucuman.”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/sergio-aguero-oo-jawaab-ka-bixiyay-in-xubno-qoyskiisa-ah-lagu-qabtay-iyagoo-ka-ganacsaya-daroogo-alaabta-lasoo-xado/">Sergio Aguero oo Jawaab ka bixiyay in Xubno qoyskiisa ah lagu qabtay iyagoo ka ganacsaya Daroogo & Alaabta lasoo xado</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *