<

Home » Horyaalada » Premier League » SAWIRO: Tababare Conte oo Casho Sharafeed ku abaalmariyay Ciyaaryahanadiisa Chelsea – Sidee ayuuse usoo labistay Hazard?

SAWIRO: Tababare Conte oo Casho Sharafeed ku abaalmariyay Ciyaaryahanadiisa Chelsea – Sidee ayuuse usoo labistay Hazard?

Tababare ANTONIO CONTE ayaa casho ku abaalmariyay ciyaaryahanadiisa Chelsea kadib guulihii ay gaareen.

Wiilasha dhar baluuga ayaa 8 dhibcood oo nadiif ah ku haya hogaanka horyaalka Ingiriiska kadib markii ay garaaceen Hull City axadii lasoo dhaafay.

Tababaraha reer Italy ayaa ciyaaryanadiisa kula biiray cashadan oo ka dhaceysay mid kamid ah hoteelada London.

Maqaayadan ayaa laga helaa cunooyin Shiinees ah iyo kuwa kale oo Talyaani ah.

nintchdbpict000296922883

Kabtanka Chelsea John Terry, xidagaha kale ee Eden Hazard iyo Diego Costa ayaa kamid ahaa ciyaaryahanadii cashada lagu casuumay, waxaana ay soo qaaten labis aan caadi aheyn.

chelsea3

16 Ciyaaryahanada Chelsea ah ee Cashada ka qeyb galay: David Luiz, Willian, Ola Aina, Nathaniel Chalobah, Cesc Fabregas, Marcos Alonso, Pedro, Thibaut Courtois, Cesar Azpiliccueta, Diego Costa, Kenedy, Victor Moses, Ruben Loftus-Cheek, Nathan Ake, Hazard, Terry

Garabka qaranka Belgium-ka  Hazard ayaa isku soo ekeysiiyay Michael Jackson kadib markii uu soo xirtay jaakad gaduud ah iyo funaanad cadaan ah.

Wiilka ay isku dalka yihiin ee Michy Batshuayi ayaa isna labis aan caadi aheyn soo qaatay waxaana uu dadka soo xasuusiyay wariyihii BBC-da John Motson.

nintchdbpict000296919927 nintchdbpict000296922863

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/sawiro-tababare-conte-oo-casho-sharafeed-ku-abaalmariyay-ciyaaryahanadiisa-chelsea-sidee-ayuuse-usoo-labistay-hazard/">SAWIRO: Tababare Conte oo Casho Sharafeed ku abaalmariyay Ciyaaryahanadiisa Chelsea – Sidee ayuuse usoo labistay Hazard?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *