<

Home » Horyaalada » Premier League » SAWIRO: Branislav Ivanovic oo gaaray Ruushka si uu ugu biiro kooxda Zenit St Petersburg

SAWIRO: Branislav Ivanovic oo gaaray Ruushka si uu ugu biiro kooxda Zenit St Petersburg

Daafaca Chelsea Branislav Ivanovic ayaa gaaray dalka Ruushka si uu udhamesytiro ku biiristiisa kooxda Zenit St Petersburg.

32 jirkaan kooxda dhar baluuga usoo ciyaaray ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee aan kooxda Chelsea ula safrin  kulanka Liverpool waxaana uu dhameystirayaa heshiiskiisa kooxda Ruushka ka dhisan.

Ivanovic ayaa laga waayay shaxda macalin Conte tan iyo markii uu ku ciyaaray qaabka ah 3-4-3 , xidigan ayaana booskiisa ulumiyay Moses.

nintchdbpict000298331076

Kadib sanado badan oo uu joogay kooxda Chelsea tan iyo sanadkii 2008-dii ayuu haatan baneeyay booskiisii kooxda ee mudada 8=da sano aheyd.

Daafacan reer Serbia ayaa kooxdiisa kula guuleystay labo horyaal oo kala ah  2008-09 iyo 2014-15 – sedex FA Cup, hal koobka League Cup, the Community Shield, Champions League iyo Europa League.

Ivanovic ayaana 92 kulan ugu dhaliyay kooxdiisa 12 gool oo ay ku jiraan goolkii uu Fiinaalkii Europe League dhaliyay.

nintchdbpict000298331075

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/sawiro-branislav-ivanovic-oo-gaaray-ruushka-si-uu-ugu-biiro-kooxda-zenit-st-petersburg/">SAWIRO: Branislav Ivanovic oo gaaray Ruushka si uu ugu biiro kooxda Zenit St Petersburg</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *