<

Home » Horyaalada » Premier League » SAWIRADA Isteelkii Tima Jarka Jose Mourinho: Qaab Noocee ah ayuu guulaha ugu badan ku gaaray?

SAWIRADA Isteelkii Tima Jarka Jose Mourinho: Qaab Noocee ah ayuu guulaha ugu badan ku gaaray?

Heerar kala duwan ayay soo martay tinta macalinka kooxda Man United Jose Mourinho, waxaana qaab walba oo tintiisa ah ay wadadaa waayo cusub oo wax qabadkiisa ah.

Macalinkii hore ee Chelsea ayaa haatan xili wanaagsan ku qaadanaya anaadiga Old Trafford ka dhisan, sheekada qosolka leh ayaana ah in dhawaan la weydiiyay qaabka ay timahiisa kusoo dhasheen maadaama uu kooxdaas uu tagay isagoo timaha ay kasii bidayaan.

Hadaba, Wargeyska The Sun ayaa soo bandhigay sawirada Jose Mourinho oo kala duwan iyo guulihii uu ku gaaray kulamadii uu timaha noocaas ah lahaa.

Waa Sanadkii 2006-da iyo Waayihiisii CHELSEA

Waa Sanadkii 2006-da iyo Waayihiisii CHELSEA

Wiilashii Mourinho ayaa 9 kulan oo kamid ah 11-kii kulan ee ugu horeysay badiyay isagoo timo noocaas ah leh

Wiilashii Mourinho ayaa 9 kulan oo kamid ah 11-kii kulan ee ugu horeysay badiyay isagoo timo noocaas ah leh

Laakiin markii ay timahiisa sidaas Noqdeen waxaa yaraaday Fursadihii guusha ee Chelsea

Laakiin markii ay timahiisa sidaas Noqdeen waxaa yaraaday Fursadihii guusha ee Chelsea

Chelsea ayaa bar bardhac gashay shantii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay horyaalka ulumisay kooxda United oo lix dhibcood ku qaaday

Chelsea ayaa bar bardhac gashay shantii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay horyaalka ulumisay kooxda United oo lix dhibcood ku qaaday

Taageerayasha Kooxda United ayaa ku farxi doona hadii Mourinho uu timaha usoo jarto si lamid ah sidi uu macalinkan reer Portugal uu 11-kiisii badisan ee ee ugu horeysay ee xili ciyaareedkii 2006/07 .

Laakiin Chelsea ayaa hoos udhacday kadib markii uu macalin Mourinho badashay qaabkii uu timaha usoo jartay waxaana uu isla sanadkaas shan kulan kooxdiisa ku hogaamiyay bar bardhac sidaas ayaana lix dhibcood oo nadiif ah looga qaaday horyaalka.

 

The Special One let Chelsea to eight wins in ten league games with his new barnet

Mourinho ayaa mar kale farxay  kadib markii uu   November 2013 qaab kale tinta ujartay

Mourinho ayaa mar kale farxay kadib markii uu November 2013 qaab kale tinta ujartay

Markaas waxii ka danbeeyay Special One-ka ayaa Chelsea ku hogaamiyay sideed guul kadib 10 kulan oo horyaalka ah, waxaana uu uga mahadcelinayaa qaabkiisa cusub ee timaha jaraha ah.

Laakiin Chelsea ayaa ceyrisay macalinka reer   Portugal, kadib shan guuldaro  7 kulan gudahood Laakiin dhibaatada ayaa ah qaabka uu timaha ujartay

Laakiin Chelsea ayaa ceyrisay macalinka reer Portugal, kadib shan guuldaro 7 kulan gudahood Laakiin dhibaatada ayaa ah qaabka uu timaha ujartay

Qaabkii uu ujartay tinta ayaa sababtay guuldarooyin xariir ah, waxaana shaqadii Stamford Bridge laga ceyriyay November 2013

Si kastaba, Jose ayaa haatan tinta ay ugu jaran tahay si lamid ah waayihiisii guulaha ee Chelsea, hadaba haatan miyuu guulo ku hogaamin doonaa Man United?

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/sawirada-isteelkii-tima-jarka-jose-mourinho-qaab-noocee-ah-ayuu-guulaha-ugu-badan-ku-gaaray/">SAWIRADA Isteelkii Tima Jarka Jose Mourinho: Qaab Noocee ah ayuu guulaha ugu badan ku gaaray?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *