<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Robinho: Real Madrid ayaa iidiiday inaan ku biiro Chelsea – Waase Maxay Sababta loogu diiday?

Robinho: Real Madrid ayaa iidiiday inaan ku biiro Chelsea – Waase Maxay Sababta loogu diiday?

Robinho ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu ku biiro  Chelsea  laakiin kooxda Real ay diiday kadib markii ay iibiyeen funaanad uu magaciisa ku qoran yahay kahor heshiiska inta aanan la dhameyn.

Weeraryahanka Brazil ayaa si weyn loola xariiirinayay in habeenkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga 2008-dii ku biiro Stamford Bridge, laakiin waxaa uu ugu danbeyn aaday naadiga Manchester City.

Robinho iyo Chelsea ayaana xanaaq ku kala tagay iyadoo macalinkii xiligaas ee Chelsea Luiz Felipe Scolari uu si weyn ugu shaqeeyay inuu xidigan la saxiixdo laakiin uu ku guul dareystay.

Robinho ayaa usheegay FourFourTwo: “hadafkeyga waxaa uu ahaa inaan ku biiro Chelsea – Big Phil ayaa isbadal ku sameyn laha liiskiisa laakiin Real ayaa diiday Chelsea, mana aysan jecleyn iney iibiyaan funaanad uu ku qoran yahay magaceyga kahor inta uusan heshiiska dhamaan”.

“Waxaan hubaa in qaladaas uu ahaa sababtii ugu weyneyd ee heshiiskaas fashilisay wax walbana waxaa go’aankeeda gaaray Real Madrid.”ayuu hadalkiisa ku daray Robinho.

Robinho ayaa ku fashilmay kooxda horyaalka Ingiriiska ka ciyaarta ee Manchester City, waxaana uu 15 gool udhaliyay dhamaan tartamada  2008-09 laakiin waxaa uu amaah ku aaday kooxdiisii hore ee Santos 2010.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/robinho-real-madrid-ayaa-iidiiday-inaan-ku-biiro-chelsea-waase-maxay-sababta-loogu-diiday/">Robinho: Real Madrid ayaa iidiiday inaan ku biiro Chelsea – Waase Maxay Sababta loogu diiday?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *