<

Home » Wararka Maanta » Rio Ferdinand oo sheegay inay jiraan laba koox oo Chelsea kula dagaalami karta Horyaalka, halkeese ayuu u saadaaliyay Liverpool iyo labada Manchester

Rio Ferdinand oo sheegay inay jiraan laba koox oo Chelsea kula dagaalami karta Horyaalka, halkeese ayuu u saadaaliyay Liverpool iyo labada Manchester

Daafacii hore ee kooxda Manchester United iyo qaranka Egland Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday, laba koox oo Chelsea kula dagaalami kara hanashada Horyaalka Egland.

Ferdinand ayaa rumeysan in kooxaha Magaalada ka dhisan ee Arsenal iyo Tottenham ay yihiin naadiyada awooda u leh inay Blues kula hardamaan Premier League-ga, xilli ciyaareedkan.

Antonio Conte kooxdiisa ayaa hataan ku naaloneysa hogaanka sare ee horyaalka Egland, iyadoo sideed dhibcood oo nadiif ah ka sareeysa kooxda kusoo xigta ee Arsenal, waxa ayna sidoo kale sagaal dhibcood ka sareysaa naadiga kaalinta seddexaad ku jirta ee Tottenham.

Ferdinand ayaa sidoo kale rumeysan in Liverpool haddii ay garaacdo Chelsea, kulanka ay habeenka Arbacada ee Anfield kula ciyaareyso ay meel wanaagsan soo gaari karto.

“ haddii aysan Liverpool guuleysan, waxaan u maleynayaa inay ka dhici doonto tartanka Horyaalka, balse waxaan aaminsa nahay in markasta ay cadaadisa saari karaan Chelsea kooxaha Arsenal iyo Tottenham”  Ferdinand ayaa sidaas ku sheegay warbixin uu ku qoray The Sunday Times.

“waxaan u maleynayaa in Liverpool, Manchester United iyo Manchester City, ay kaliya ku dagaalami karaan, booska afaraad, waana nasiib daro in koobka ay ku loolamaan, kooxaha London”. Ayuu hadalkiisa kusoo koobay Rio Ferdenand.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rio-ferdinand-oo-sheegay-inay-jiraan-laba-koox-oo-chelsea-kula-dagaalami-karta-horyaalka-halkeese-ayuu-u-saadaaliyay-liverpool-iyo-labada-manchester/">Rio Ferdinand oo sheegay inay jiraan laba koox oo Chelsea kula dagaalami karta Horyaalka, halkeese ayuu u saadaaliyay Liverpool iyo labada Manchester</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *