<

Home » Horyaalada » Bundesliga » XASAASI: Real Madrid oo Burburineysa Magaca BBC Xili Florentino Perez uu Ogolaaday Benzema + Lacag inuu Kusoo Bedesho Robert Lewandowski

XASAASI: Real Madrid oo Burburineysa Magaca BBC Xili Florentino Perez uu Ogolaaday Benzema + Lacag inuu Kusoo Bedesho Robert Lewandowski

Iyadoo Karim Benzema dhibaato uu kala kulmayo taageerayaasha Real Madrid, Madaxweynaha kooxda ka dhisan caasimada Spain Florentino Perez ayaa ogolaaday heshiska isku bedelsho ah oo ay la sameynayaan kooxda Bayern Munich.

Waxa uu diyaar u yahay Florentino Perez in Benzema lasiiyo kooxda ka dhisan gobolka Bavaria iyadoo loo raacinayo  €, 25 million si uu kaga helo weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski.

Karim Benzema ayaa qaab ciyaareed xun kujira xilli ciyaareedkan, iyo Madrid ay ku xiran tahay awooda Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos oo goolal dhalinayay kulamadii ugu dambeeyay.

Weeraryahanka reer France ayaa dhaliyay kaliya 5 gool 15 kulan oo uu u saftay La Liga kooxdiisa, waxaana uu culeys badan kala kulmaya jamaahiirta kooxda kuwaasoo ku oriyay habeenkii xalay markale.

Robert Lewandowski, ayaa dhanka kale, ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu laha xili ciyaaredkii la soo dhaafay, waxaana uu haatan dhaliyay 14 gool 18 kulan oo horyaalka ah ah, halka tartamada oo dhan uu dhaliyay 22 gool 26 kulan oo uu kasoo muuqday.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/real-madrid-oo-burburineysa-magaca-bbc-xili-florentino-perez-uu-ogolaaday-benzema-lacag-inuu-kusoo-bedesho-robert-lewandowski/">XASAASI: Real Madrid oo Burburineysa Magaca BBC Xili Florentino Perez uu Ogolaaday Benzema + Lacag inuu Kusoo Bedesho Robert Lewandowski</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *