<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » RASMI: Xiliga uu dhacayo Guurka Messi & Saaxiibtiis Antonella oo la ogaaday – Yaase kasoo qeyb gali doona?

RASMI: Xiliga uu dhacayo Guurka Messi & Saaxiibtiis Antonella oo la ogaaday – Yaase kasoo qeyb gali doona?

Lamaanaha Leo Messi iyo Antonella Roccuzzo ayaa la iclaamiyay xiliga uu guurkoodu dhici doono kaas oo ah sanadkan 2017-da

Warbixin lagu faafiyay Wargeyska Sport ee taageera Barca ayaa sheegaya in arooska Messi iyo saaxiibadiis uu dhici doono 24-ka bisha June ee sanadkan markaas oo ku beegan xaflada dhalashada Messi

Arooskan oo dhici doona marka uu Messi noqdo 30 sano ayaa waxaa la filayaa iney goob joog ka noqdaan dad caan ku kubada cagta iyo xubno kale.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya in arooskan uu ka dhici doono  qeybtiisa koobaad dhismaha La Catedral ee  Rosario, halka qeybta labad ay ka dhici doonto Arroyo Seco, halkaas oo uu Messi inta badan joogo marka uu xaafadii uu ku dhashay joogo

Dad gaaraya 700 (Todobo boqol) ayaa lagu casuumay arooskaas waxaana kamid ah ciyaaryahano dhamaan dunida ka imaan doona, wariyaal, qoyska iyo saaxiibada Leo and Antonella, kuwaas oo ahba waalidka Thiago iyo Mateo.

messi-antonella-1485434789785

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-xiliga-uu-dhacayo-guurka-messi-saaxiibtiis-antonella-oo-la-ogaaday-yaase-kasoo-qeyb-gali-doona/">RASMI: Xiliga uu dhacayo Guurka Messi & Saaxiibtiis Antonella oo la ogaaday – Yaase kasoo qeyb gali doona?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *