<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Xariirka FA-ga Ingiriiska oo Dacwad kusoo oogay Tababare Wenger – Ganaax Noocee ah ayuu muteysan doonaa?

RASMI: Xariirka FA-ga Ingiriiska oo Dacwad kusoo oogay Tababare Wenger – Ganaax Noocee ah ayuu muteysan doonaa?

Tababaraha Kooxda ARSENAL Arsene Wenger ayaa muteysan kara ganaax xoogan kadib markii ay xariirka FA-ka ay goordhow dacwad kusoo oogeen.

Macalinka reer France ayaa loo taagay kaarka cas kulankii ay kooxda Arsenal qal qiilka kaga badisay naadiga Burnley ee horyaalka Ingiriiska.

Laakiin macalin Wenger ayaa kulanka kadib raali gelin ka bixiyay murankii uu la galay garsoorka afaraad ee ciyaartaas   Anthony Taylor kaas oo uu sidoo kale riixay.

Si kastaba, war qoraal ah oo kasoo baxay xariirka FA-ga ayaa ystay garsoorka afarlagu sheegay in tababarahan uu hadalo aflagaado ugeystay garsoorka afaraad ee ciyaartaas daqiiqadii 92-aad.

Macalinka reer France Wenger ayaa haysta ilaa marka ay saacadu tahay 18:00 (Lixda maqribnimo xiliga UK dhanka Soomaaliyana ay tahay Sedex saac oo habeenimo si uu ugu soo jawaabo dacwadan.

Arsenal ayaa guul lama filaan ah daqiiqadii 98-aad ee ciyaarta heshay kadib rigoore loo dhigay weeraryahanka Sanchez oo uu daba mariyay goolhayaha koxodaas.

Laakiin tababarahooda ayaa ganaax la kulmi kara hadii dhacdadaan uusan jawaab ka bixin, waxaana la xauustaa in lagu ganaaxo lacag.

Sanadkii 2012, Alan Pardew ayaa ganaax dhan £20,000 iyo labo kulan kala kulmay FA-ga kadib markii uu ku carooday caawiyaha garsoorka kulankii  Newcastle ay kasoo horjeeday Tottenham

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-xariirka-fa-ga-ingiriiska-oo-dacwad-kusoo-oogay-tababare-wenger-ganaax-noocee-ah-ayuu-muteysan-doonaa/">RASMI: Xariirka FA-ga Ingiriiska oo Dacwad kusoo oogay Tababare Wenger – Ganaax Noocee ah ayuu muteysan doonaa?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *