<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Suuqii Kooxda Arsenal oo soo xirmay iyo Go’aan kasoo baxay macalin Arsene Wennger

RASMI: Suuqii Kooxda Arsenal oo soo xirmay iyo Go’aan kasoo baxay macalin Arsene Wennger

Kooxda Arsenal ayaa suuqeedii uu soo xirmay kahor daqiiqadaha ugu danbeeya ee uu xirmayo suuqa kadib markii uu tababare Arsene Wenger xaqiijiyay in wax saxiix ah aysan maanta sameyn doonin.

Tababare Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa ay diyaar utahay iney sii ciyaarto inta ka dhiman xili ciyaareedkan, isla markaana uusan wax saxiix cusub ah sameyn doonin.

Waxaa lasoo sheegayaa in Arsenal ay heshiis ku kacaya £7million kala gaartay Crystal Palace Carl Jenkinson, laakiin waxaa uu sheegay in heshiiskaas uusan wali dhamaan.

Mathieu Debuchy ayaa sidoo kale la filayaa inuu sii joogo kooxdiisa kadib markii uu waayay wax dalab rasmi ah, inkastoo laga yaabo inuu daqiiqada ugu danbeysa ee suuqa uu koox helo.

Weeraryahanka kale ee Chuba Akpom ayaa amaah kusii joogi doona kooxda Brighton.

Si kastaba, Kooxda Arsenal ayaanan wax saxiixyo sameyn doonin caawa oo uu soo xirmayo Suuqa Kala Iibsiga.

RIIX HALKAN: LIVE ULA SOCO WARARKII UGU DANBEEYAY EE SUUQA KALA IIBSIGA

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-suuqii-kooxda-arsenal-oo-soo-xirmay-iyo-goaan-kasoo-baxay-macalin-arsene-wennger/">RASMI: Suuqii Kooxda Arsenal oo soo xirmay iyo Go’aan kasoo baxay macalin Arsene Wennger</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *