<

Home » Wararka Maanta » RASMI: RASMI: Branislav Ivanovic oo ka tagay Chelsea Kuna Biiray kooxda Zenit St Petersburg

RASMI: RASMI: Branislav Ivanovic oo ka tagay Chelsea Kuna Biiray kooxda Zenit St Petersburg

Branislav Ivanovic ayaa sagaal sano oo uu joogay kooxda Chelsea soo gabagabeeyay maanta oo arbaco ah markii heshiis uu la gaaray kooxda ka dhisan Ruushka ee Zenit St Petersburg.

Ivanovic ayaa heshiiska uu kula joogay kooxda Stamford Bridge wuxuu dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu go’aansaday inuu tartan cusub doorto isagoo ku biiray kooxda Zenit oo ka saxiixatay heshis laba-sano iyo bar ah.

Waxa uu ku dhawaad 400 oo kulan usaftay kooxda ku ciyararta Stamford Bridge oo uu kula guuleystay laba horyaal oo Premier League iyo sidoo kale Champions League,

waxa uu u dhaliyay goolkii guusha dhamaadkii ciyaarta-kulankii Chelsea 2-1 ku garaacday kooxda Benfica finalka Europa League 2012-13

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka waayay booska koowaad kooxda tababare Antonio Conte xili ciyaareedkaan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-rasmi-branislav-ivanovic-oo-ka-tagay-chelsea-kunaa-biirayb-kooxda-zenit-st-petersburg/">RASMI: RASMI: Branislav Ivanovic oo ka tagay Chelsea Kuna Biiray kooxda Zenit St Petersburg</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *