<

Home » Horyaalada » Bundesliga » RASMI: Mid kamid ah Xidigaha ugu wanaagsan Yurub oo Afar Sano laga mamnuucay kubada Cagta

RASMI: Mid kamid ah Xidigaha ugu wanaagsan Yurub oo Afar Sano laga mamnuucay kubada Cagta

Hakan Calhanoglu ayaa laga ganaaxay kubada cagta mudo afar bilood ah kadib markii lagu helay inuu jabiyay heshiiskiisii kooxda Trabzonspor FC sanadkii  2011.

Qadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ayaa kooxdaas reer Turki usaxiixay heshiis ah inuu uciiyaarayo ilaa 2012-13 laakiin heshiiskaas ayuu jabiyay.

Maxkamada kubada cagta ee CAS oo qaaday dacwadab ayaa xukmisay in sidoo kale xidigan qaranka Turkey uu kku qasban yahay in sidoo kale kooxda Trabzonspor lacag dhan €100,000

“Hakan Calhanoglu waxaa lagu amray inuu bixiyo €100,000 oo uu siiyo Trabzonspor FC,” sidaas ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamada

hakancalhanoglu-cropped_1nbnh1bzf0psv12bt8arrczjep

“Sidoo kale  waxaa dheraad ah in maxkamada ay far bilood ka mamnuucday ciyaarayaha Hakan Calhanoglu, waxaana go’aankaan uu dhaqan galayaa sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Leverkusen oo haatan ku jirta Champions League  – ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid wareega  16-ka waxaase uu maqnaan doonaa xidigan kulamadaas iyo kuwa kale ee horyaalka.

Hase ahaatee kooxdiisa haatan ayaanan  wax danbi ah ku laheyn dhacdadaan maadaama ay 2014-0kii kala soo saxiixdeen kooxda Hambur.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-mid-kamid-ah-xidigaha-ugu-wanaagsan-yurub-oo-afar-sano-laga-mamnuucay-kubada-cagta/">RASMI: Mid kamid ah Xidigaha ugu wanaagsan Yurub oo Afar Sano laga mamnuucay kubada Cagta</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *