<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Kooxda Manchester United oo xaqiijisay In Wayne Rooney iyo Ashley Young sii joogi doonaan Old Trafford

RASMI: Kooxda Manchester United oo xaqiijisay In Wayne Rooney iyo Ashley Young sii joogi doonaan Old Trafford

Tababare Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Wayne Rooney iyo Ashley Young ay sii joogi doonaan kooxda Manchester United xili lala xariirinayo iney kooxda ka tagayaan caawa.

Rooney ayaa xiiso ka helaya China iyo Mareykanka, halka Young uu isna kooxo kale dalabyo waa weyn ka helayaan.

Wararka ayaa sheegayay in koox China ka dhisan ay Rooney usoo bandhigtay mushaar dhan £32 million si uu ugu biiro horyaalka bariga fog.

Si kastaba, Mourinho oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in labadan ciyaarayahn ay kusii nagaan doonaan garoonka Old Trafford.

“Ma jiraan ciyaaryahano inoo imaan doona ama kuwa inaga tagaya,” Mourinho ayaa sidaas usheegay saxaafada.

“Ashley Young waxaan hubaa inuu joogayo kooxda, waxaana uu kamid yahay ciyaaryahanada aan udooranay kulanka beri.”Mourinho ayaa sidaas yiri

United ayaa bartilmaameed weyn ka dhiganeysa xidiga Atletic Madrid Antoine Griezmann laakiin waxaa la filayaa in heshiiskaas uu dhici karo dhamaadka xagaagan

United ayaa Old Trafford kusoo dhaweyn doonta habeen danbe kooxda Hull City, waxaana ay doonayaan iney guul gaaraan kulankaas

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-kooxda-manchester-united-oo-xaqiijisay-in-wayne-rooney-iyo-ashley-young-sii-joogi-doonaan-old-trafford/">RASMI: Kooxda Manchester United oo xaqiijisay In Wayne Rooney iyo Ashley Young sii joogi doonaan Old Trafford</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *