<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Kooxda Chelsea oo amaah ku bixisay Mukhtar Cali oo ah Soomaali aad loo qiimeeyo

RASMI: Kooxda Chelsea oo amaah ku bixisay Mukhtar Cali oo ah Soomaali aad loo qiimeeyo

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in Mukhtar Cali oo Soomaaliya kasoo jeeda uu amaah ugu biiray kooxda Holand ka dhisan ee Vetese Arnhem

Xidigan qadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ayaa da’yarta Chelsea ka caawiyay sanadkii hore hanashada FA Cup-ka da’yarta ah waxaana uu marar badan tababarka koobaad la qaatay Chelsea.

Si kastaba War kasoo baxay kooxda Chelsea ayaa lagu sheegay in da’yarkaan uu amaah inta ka dhiman xili ciyaaredkan ah ugu biiray kooxda reer Holland.

“Chelsea waxaa ay amaah ku bixisey da’yarka Mukhtar Ali oo ilaa dhamaadka xili ciyaareedka joogi doona kooxda Vitesse”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Chelsea.

Mukhtar oo sidoo kale da’yarta Chelsea ku hogaamiyay   UEFA Youth League iyo FA Youth Cup-ka, ayaa kamid ah xidigaha qadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo, waxaana uu Numerka 10-aad uwataa 17 jirada England.

Da’yarkaan ayaa bogiisa twitterka kusoo qoray inuu ku faraxsan yahay kooxda uu ku biiray isla markaana uusan sugi karin inuu kulankiisii koobaad uciyaaro

mukhar-ali

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-kooxda-chelsea-oo-amaah-ku-bixisay-mukhtar-cali-oo-ah-soomaali-aad-loo-qiimeeyo/">RASMI: Kooxda Chelsea oo amaah ku bixisay Mukhtar Cali oo ah Soomaali aad loo qiimeeyo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *