<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Joel Matip Oo Ganaax Ka Badbaaday Kadib Markii FIFA Meesha Ka Saartay Dacwada Cameroon

RASMI: Joel Matip Oo Ganaax Ka Badbaaday Kadib Markii FIFA Meesha Ka Saartay Dacwada Cameroon

Daafaca Liverpool Joel Matip ayaa ka badbaaday ganaax kaga yimaada FIFA ka dib markii meesha laga saaray kiiska la xiriira inuu diiday u ciyaarista xulkiisa.

Reds ayaa xaqiijisay in daafaca Cameroon oo diiday inuu u ciyaaro xulkiisa Africa Cup of Nations uusan mudan doonin wax ganaax ah.

Matip, ayaa laga saaray labadii kulan ee lasoo dhaafay kooxdiisa, waxaana kusocday baaritaano kadib markii uu diiday inuu xulkiisa matalo.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay go’aansatay FIFa ciyaaryahanka ayaa lagu waayay wax dacwo dheeraad ah, iyadoo loosoo xulay kulanka galabta kooxdiisa la ciyaareyso Swansea.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-joel-matip-oo-ganaax-ka-badbaaday-kadib-markii-fifa-meesha-ka-saartay-dacwada-cameroon/">RASMI: Joel Matip Oo Ganaax Ka Badbaaday Kadib Markii FIFA Meesha Ka Saartay Dacwada Cameroon</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *