<

Home » Falanqeyn » RASMI: Halyeeyga Chelsea Frank Lampard oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Kubadda Cagta- (MACSALAAMA Super Frank)

RASMI: Halyeeyga Chelsea Frank Lampard oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Kubadda Cagta- (MACSALAAMA Super Frank)

Frank Lampard ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaarta kubadda cagta,waxaana uu soo afjaridda 20 sanno oo xirfadiisa ciyaareed oo kujiray.

“Kadib 2o sano oo cajiib aheyd, Waxaan go’aansaday hadda inaan kusoo afjaro xirfadeyda kubada cagta halkaan,” Lampard ayaa ku sheegay war qoraal ah.

“Inkastoo aan helay dalabyo dhowr ah oo xiiso leh shadda waxaan go’aansaday inana fariisto ayuu yiri 38 jirkaan.

Waxaan dareemayaa hadda in la joogo waqtigii aan nasan lahaa islamarkaana aan ka fakiri lahaa waxa xiga ee nolosheeda.

Waxaan in kabadan 100 jeer u ciyaaray xulkeyga, waxaana dhaliyay ku dhawaad 300 gool xirfadiisa oo dhan taas waxay ii tahay tariikh fiican ayuu yiri Frank Lampard.

(FILES) Chelsea's Manager Jose Mourinho (C) holds aloft the Barclays Premiership trophy beside Frank Lampard (L) and John Terry (R) during the celebrations after the game against Charlton at Stamford Bridge in London, 07 May 2005. Jose Mourinho's three-year reign at Chelsea came to an abrupt end Thursday 20 September 2007, as the Portuguese manager's fraught relationship with the club's Russian owner Roman Abramovich finally reached breaking point. An announcement that will send shockwaves through English and European football came in the early hours of Thursday morning with Chelsea claiming that Mourinho had left "by mutual consent." AFP PHOTO/Adrian DENNIS/FILES (Photo credit should read ADRIAN DENNIS/AFP/Getty Images)

‘Dad badan ayaan kaga mahadcelinayaa xifadeyda kubadda cagta ,Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa waalidiintayda oo waqti adag i garab istaagay,

xifadeyda qiimaha badan waxaa sabab u ahaa dad gaar ah oo dhamaan aan u mahadcelinayo ayuu hadalkiisa ku daray Lampard.

kooxda, tababarayaasha, madaxda iyo shaqaalaha tababarka ee dhamaan kooxihii an lasoo shaqeeyay ayaan u mahadcelinayaa si gaar ah kooxda Chelsea ayuu yiri Lampard.

LONDON, ENGLAND - MAY 09:  John Terry and Frank Lampard of Chelsea lift the trophy after the Barclays Premier League match between Chelsea and Wigan Athletic at Stamford Bridge on May 9, 2010 in London, England. Chelsea won 8-0 to win the title.  (Photo by Shaun Botterill/Getty Images)

“Marka hore, West Ham United oo isiisay sanadkii 1996 inaan safto kulan rasmi ah ayaan u mahadcelinayaa, waxaan rumeysanahay in aan halkaas wax fiican ka helay anigoo da’yar ah.

sidookale Manchester City iyo NYCFC ayaa u mahadcelinayaa ayuu yiri Lampard

“Waxaan si weyn ugu riyaaqay sanado badan  xifado kala duwan oo u badnaa guulo, qofkasta oo i gar istaagay ayaan jeclahay in aan xuso ayuu sheegay Lampard.

Dabcan, qaybta ugu weyn ee qalbigayga waxaa iska leh Chelsea, Waxaanan waligey illoobi doonin fursada ay i siiyey iyo guulaha aan la gaaray Chelsea ayu yiri halyeyga Bules.

Frank Lampard of Chelsea celebrates with the trophy after the UEFA Champions League Final between Bayern Munich and Chelsea at the Allianz Arena in Munich, Germany. Photo: Visionhaus/Ben Radford (Photo by Ben Radford/Corbis via Getty Images)

Taageerayaasha Chelsea naftayda waxay isiiyeen taageero aan caadi aheyn. Waxaan ku xusuusan doonaa erayo dhiiro gelin ah iyo taageero aan dhamaad laheyn ayuu yiri.

ugu dambeyn Lampard ayaa u mahadcelinayay xirirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA kuwaasoo oo uu sheegay in ay siiyeen fursado badan oo dhanka kubadda cagta iyo horumarinta ah.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-halyeeyga-chelsea-frank-lampard-oo-ku-dhawaaqay-inuu-ka-fariistay-ciyaaraha-kubadda-cagta-macsalaama-super-frank/">RASMI: Halyeeyga Chelsea Frank Lampard oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Kubadda Cagta- (MACSALAAMA Super Frank)</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *