<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » RASMI: Halyaygii Brazil Ronaldinho oo dib ugu soo laabtay Kooxda Barcelona

RASMI: Halyaygii Brazil Ronaldinho oo dib ugu soo laabtay Kooxda Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in Ronaldinho uu kusoo laabtay kooxda uuna kamid noqon doono wakiilada ama safiirada kooxdaas

Halyaygii qaranka  Brazil ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Barca kadib shan sano oo uu ku sugnaa Camp Nou, waxaana haatan uu noqonayaa safiir cusub

94 gool ayuu udhaliyay kooxda Barca kadib markii uu usaftay 207 kulan, waxaana uu kula guuleystay 2005-6 Champions League iyo labo horyaal oo xariir ah.

Ronaldinho ayaa markaas kadib ku biiray AC Milan halka uu sidoo kale kasoo ciyaaray dalkiisa Brazil, waxaana haatan uu boos cusub ka qaban doonaa kooxda Barcelona.

Bayaan kasoo baxay koxoda ayaa lagu yiri: “FC Barcelona iyo Ronaldinho waxaa ay gaareen heshiis ah in ciyaaryahanka reer Brazil uu noqdo safiir iyo wakiil shaqooyin kala duwan ah sanadaha soo socda”.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-halyaygii-brazil-ronaldinho-oo-dib-ugu-soo-laabtay-kooxda-barcelona/">RASMI: Halyaygii Brazil Ronaldinho oo dib ugu soo laabtay Kooxda Barcelona</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *