<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Courtois oo ah goolhayaha ugu fiican, De Gea oo ka maqan & Chelsea oo qalad weyn galeysa hadii ay Courtois ka iibiyaan Real

RASMI: Courtois oo ah goolhayaha ugu fiican, De Gea oo ka maqan & Chelsea oo qalad weyn galeysa hadii ay Courtois ka iibiyaan Real

ANTONIO CONTE ayaa ku dhow inuu lumiyo goolhayaha Thibaut Courtois kaas oo si weyn loola xariirinayo naadiga  Real Madrid.

Macalinka reer Italy ayaana rajeynaya in heshiiska goolhayahan uu qeyb uga dhigo inuu Real kala soo saxiixdo weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Si kastaba, si walba oo uu uwanaagsan yahay weeraryahankan Morata, waxaa jirta hal arin oo ka tagitaanka goolhaye Courtois ay qalad weyn ugu tahay Chelsea.

Taas waa xaqiiq fudud inaad ogaatay, goolhayaha reer Belgium ayaana haatan kamid ah kuwooda ugu wanaagsan kubada cagta Yurub.

hqdefault-5

Dhererkiisu waa  6ft 6in waana goolhayaha ugu badan ee shabaqiisa difaacday marka loo fiiriyo goolhayaasha kale ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub oo kala ah “Premier League, Bundesliga, La Liga, Serie A iyo Ligue 1.

Wiilka Chelsea Courtois ayaan shabaqiisa difaacday 13 kulan, waana wax ka badan goolhayaha Marseille Yohann Pele iyo goolhayaha kale ee Empoli  Lukasz Skorupski, kaas oo amaah uga maqan Roma.

Goolhayaha koobaad ee Roma Wojciech Szczesny – oo amaah uga maqan Arsenal – ayaa ku jira liiska halka goolhayaha Monaco Danijel Subasic uu isna kamid yahay kuwa ugu wanaagsan.

Goolhayaha labaad ee ugu wanaagsan Ingiriiska waa goolhayaha kooxda Tottenham Hugo Lloris kaas oo kaalinta lixaad ku jira halka goolhayaha Southampton iyo qaranka England Fraser Forster uu isna ku jiro kaalinta sideedaad.

sport-europe-gks

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-courtois-oo-ah-goolhayaha-ugu-fiican-de-gea-oo-ka-maqan-chelsea-oo-qalad-weyn-galeysa-hadii-ay-courtois-ka-iibiyaan-real/">RASMI: Courtois oo ah goolhayaha ugu fiican, De Gea oo ka maqan & Chelsea oo qalad weyn galeysa hadii ay Courtois ka iibiyaan Real</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *