<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » RASMI: Ciyaaryahan Bartilmaameed u ahaa Barcelona oo Qandaraas Cusub u Saxiixay Juventus- Mana Ahan Dybala

RASMI: Ciyaaryahan Bartilmaameed u ahaa Barcelona oo Qandaraas Cusub u Saxiixay Juventus- Mana Ahan Dybala

Daafaca kooxda Juventus Stephan Lichtsteiner ayaa heshiis hal sano ah u kordhiyay kooxda ka dhisan Serie A, sida goordhaw lagu xaqiijiyay website- rasmiga ee kooxda.

Juventus ayaa sare u qaaday qandaraaska ciyaaryahanka hal xilli ciyaareed oo dheeraad ah kadib markii lagu guuleystay wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay u dhaxeeyay wakjiilada ciyaaryahanaka iyo maamulka kooxda.

Bilowga xilli ciyaareedkan Lichtsteiner ayaa codsaday inuu kooxda ka tago, kadib markii ay kooxda ka saaray liiska ciyaartooyda u matalaya Champions League waxaana bartilmaameed sare uu u ahaa kooxda Barcelona.

Dhaawaca Dani Alves ayaa ku qasbay kooxda Juventus in Lichtsteiner lagu soo daro liiska ciyaartooyda kooxda ee ciyaaraya tartanka Champions League.

si kastaba ha ahaatee, daafaca qibrada leh ayaa heshiiskaan cusub wuxuu kusii heyn doonaa Juventus ilaa dhamaadka xili ciyaareedkja dambe.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-ciyaaryahan-bartilmaameed-u-ahaa-barcelona-oo-qandaraas-cusub-u-saxiixay-juventus-mana-ahan-dybala/">RASMI: Ciyaaryahan Bartilmaameed u ahaa Barcelona oo Qandaraas Cusub u Saxiixay Juventus- Mana Ahan Dybala</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *