<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Bartilmaameedkii Chelsea, L’Pool & City oo mudo sedex bilood ah garoomada ka maqnaanaya

RASMI: Bartilmaameedkii Chelsea, L’Pool & City oo mudo sedex bilood ah garoomada ka maqnaanaya

Kooxda SOUTHAMPTON ayaa xaqiijisay in daafaca Virgil van Dijk uu mudo sedex bilood ah garoomada uga maqnaan doona dhaawac soo gaaray.

Daafacan reer Holland ayaa dhaawac looga saaray kulankii Leicester ee todobaadkan, waxaana iskaan lagu sameeyay kaidb lagu ogaaday in dhaawac halis ah uu qabo.

Tababaraha Saints ayaa xaqiijiyay in xiidgan uu maqnaan doono kulamada soo socda sedexda bilood, waxaana uu ka wal walsan yahay in kooxdiisa ay la dhibtoon doonto maqnaashihiisa

Van Dijk ayaa si weyn loola xariirinayay kooxaha waa weyn e horyaalka ingiriiska kuwaas oo doonayay iney bishan January lasoo saxiixdaan.

Van Dijk ayaa bartilmaameed u ahaa kooxaha kala ah Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Everton, laakiin dhawaciisa ayaa meesha ka saaraya xiisihii kooxahan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rasmi-bartilmaameedkii-chelsea-lpool-city-oo-mudo-sedex-bilood-ah-garoomada-ka-maqnaanaya/">RASMI: Bartilmaameedkii Chelsea, L’Pool & City oo mudo sedex bilood ah garoomada ka maqnaanaya</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *