<

Home » Horyaalada » Premier League » Rajadii Algeria oo burburtay, Leicester City oo dib usoo dhaweyn doonto Islam Slimani iyo Riyad Mahrez, iyo xiddigaha wali kasii maqnaanaya kooxaha Ingiriiska oo la shaaciyay

Rajadii Algeria oo burburtay, Leicester City oo dib usoo dhaweyn doonto Islam Slimani iyo Riyad Mahrez, iyo xiddigaha wali kasii maqnaanaya kooxaha Ingiriiska oo la shaaciyay

Labada ciyaaryahan ee kooxda Leicester City Islam Slimani iyo Riyad Mahrez ayaa kusoo laaban doono dalka Ingiriiska kadib markii ay burburtay gabi ahaanba rajadii ay xulkooda Algeria ka qabeen Koobka Qaramada Qaarada Africa ee “Africa Cup of Nations”.

Algeria, ayaa kamid ahayd xulka ugu awooda badan ee ka qeyb galaya koobka Qaramada Africa, loona saadaalinayay inay ku guuleysan karaan koobkaan, balse waxa ay ku dhameysteen kaalinta seddexaad ee Group B, kadib markii ay barbaro 2_2 ah la dhaafi waayeen qaranka Senegal, oo ay xalay wada ciyaarayeen, waxaana Group-ka hogaaminaya Senegal iyoTunisia, oo usoo baxay wareega xiga ee tartankan, Zimbabwe ayaa iyana ka hartay tartankan markii ay guuldaro xanuun badan kala kulantay xulkaTunisia 4_2.

Natiijadan ayaa waxa ay la micno tahay in Tababaraha kooxda Leicester uu dib u soo dhaweyn doona ciyaartoydiisa muhiimka ah si kor loogu qaado Dawacooyinka oo hadda ku dhibtooneysay Premier League-ga inay wax badan ka sameyso.

Si kastaba, taageerayaasha Leicester ayaa la dhacsan kusoo laabashada xiddigahooda muhiimka ah, balse waxaa ay wali taageerayaasha Liverpool ay yihiin kuwa nasiib daran maadaama uu wali koobkan kasii ciyaarayo laacibkooda Sadio Mane oo Senegal ku wehlin doona wareegyada kale ee ay ciyaareyso.

Kaliya maahan in Mane, uu kasii maqnaanayo Premier League waxaa jira ciyaaryahano uu sii weyn doono Horyaalka xamaasada badan oo ay ka mid yihiin: Idrissa Gueye (Everton), Mame Biram Diouf (Stoke) iyo Cheikhou Kouyate (West Ham), oo dhamaantood kooxahooda seegaya inta uu Qarankoodu sii ciyaarayo tartankan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/rajadii-algeria-oo-burburtay-leicester-city-oo-dib-usoo-dhaweyn-doonto-islam-slimani-iyo-riyad-mahrez-iyo-xiddigaha-wali-kasii-maqnaanaya-kooxaha-ingiriiska-oo-la-shaaciyay/">Rajadii Algeria oo burburtay, Leicester City oo dib usoo dhaweyn doonto Islam Slimani iyo Riyad Mahrez, iyo xiddigaha wali kasii maqnaanaya kooxaha Ingiriiska oo la shaaciyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *