<

Home » Falanqeyn » QIIMEYN CAJIIB AH: Jaceylkii Isku Badalay Naceybka – Cecs, Rooney, Terry, Costa & Sturridge oo Hogaaminaya ciyaaryahanda loogu neceb yahay – Yaase kooxdaada kaga jira?

QIIMEYN CAJIIB AH: Jaceylkii Isku Badalay Naceybka – Cecs, Rooney, Terry, Costa & Sturridge oo Hogaaminaya ciyaaryahanda loogu neceb yahay – Yaase kooxdaada kaga jira?

Wargeyska Daily Mirror ee England kasoo baxa ayaa soo xushay shaxda loogu neceb yahay horyaalka Ingiriiska kuwaas oo ay ka dhex muqudaan ciyaaryaahno waa weyn.

Kooxda Chelsea ayaa tiro ciyaaryahano ah ku leh liiska xidigaha loogu neceb yahay dhanka taageerayaasha horyaalka Ingiririiska

Goolhaye: Thibaut Courtois

Goolhaye Petr Cech ayaa ahaa mid aad loo jecel yahay xaqiiqda ayaana ah in goolhayaha reer Belgium ee Courtois aad loo necbaaday kadib markii uu booska kala baxay Cech

Daafac dhexe: John Terry

Waa Hogaamiye Chelsea gaarsiiyay guulo waa weyn sidaas oo ay tahay Warbixintan ayaa si layaab leh loogu soo daray.

Daafac dhexe: Craig Dawson

Daafac: Waxaad ku darsan kartaa daafac walba oo kamid ah afartan Stoke City (Bardsley/Shawcross/Cameron/Johnson)

Qadka dhexe: Cesc Fabregas

Waxaa lagu sheegay inuu yahay dooligii fashiliyay Jose Mourinho, sidoo kale taageero walba oo Arsenal ah ma jecla,  taas ayaana kuu cadeyneysa inuusan wax garab ah ka helin taageerayaasha kooxda

Qadka dhexe: Mark Noble

Qadka dhexe: Joey Barton

Qadka dhexe: Marouane Fellaini

Waa timo dheere aan laga jecleyn garoonka Old Trafford, xataa tagaeerayaasha aya aku ooriyay xidigan qaranka Belgium-ka

Weerar: Daniel Sturridge

Qofna ma jecla Daansigaas, Daniel. waa inaad joojisaa.

Weerar: Wayne Rooney

Waa gool dhaliyaha ugu wanaagsan kooxda iyo qaranka England, laakiin marka banaanka la joogo taageeyaasha kooxda ma aysan garab istaagin

Rooney ayaana isku haysta inuu yahay murqaani isagoo kubada cagta ka jecel musaaracada WWE intii uu goolal ka dhalin lahaa United.

Weerar: Diego Costa

Waa ciyaaryahanka loogu neceb yahay England, laakiin waxaa uu kamid yahay xidigaha ugu wanaagsan England.

Inkastoo uu yahay gooldhaliye casjiib ah hadana, warbixinta ayaa sheegeysa in kadib dhibaatooyinkii uu geystay uu xidigan yahay kan loogu neceb yahay

Waxaa keyd uga jira shaxdan: Charlie Adam, Jack Wilshere, Lee Cattermole, Claudio Yacob, Dimitri Payet

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/qiimeyn-cajiib-ah-jaceylkii-isku-badalay-naceybka-cecs-rooney-terry-costa-sturridge-oo-hogaaminaya-ciyaaryahanda-loogu-neceb-yahay-yaase-kooxdaada-kaga-jira/">QIIMEYN CAJIIB AH: Jaceylkii Isku Badalay Naceybka – Cecs, Rooney, Terry, Costa & Sturridge oo Hogaaminaya ciyaaryahanda loogu neceb yahay – Yaase kooxdaada kaga jira?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *