<

Home » Horyaalada » Premier League » Phil Jones oo niyada u dajiyay taageerayaasha Manchester United ” Ma ahan dhaawac daran”, muxuuse ka rajeynayaa tababare Jose

Phil Jones oo niyada u dajiyay taageerayaasha Manchester United ” Ma ahan dhaawac daran”, muxuuse ka rajeynayaa tababare Jose

Xiddiga daafaca kaga ciyaara Manchester United ee Phil Jones, ayaa carabka ku adkeeyay inuu maalmo yar uun kadib uu kusoo laaban doono garoomada, kadib dhaawac dhanka cajirka ah oo soo gaaray ciyaartii barbaraha 0-0 kula galeen garoonkooda Old Trafford kooxda Hull City.

Jones, oo naadigiisa Red Devils, kasoo muuqday xilli ciyaareedkaan ilaa iyo 18 mar, ayaa lagu qasbay inuu ka baxo garoonka daqiiqadii 55-aad, ee ciyaarta waxaana lagu bedelay Chris Smalling habeenkii xalay.

Waxaa laga cabsi qabay inuu dhaawacaan uu yahay mid daran, oo United u horseedi kara daafac la’aan iyadoo aysan Manchester lasoo wareegin Daafac, balse waxaa arintaas hoos u dhigay Jones.

“Ma’ahan mid halis ah”, ayuu yiri  24-sano jirka reer Egland.

Jose Mourinho ayaa rajeynaya inuu helo laacibkiisa Jones, marka ay kooxdiisa King Power Stadium u safarto, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto kooxda heysata horyaalka Premier League-ga ee Leicester City Axada soo aadan.

United ayaa ciyaarta xigtana waxa ay garoonkeeda kusoo dhaweyn doontaa Old Trafford naadiga Watford oo awood u sheegatay Arsenal, oo 2-1 kaga badisay iyadoo joogta Emirates Stadium.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/phil-jones-oo-niyada-u-dajiyay-taageerayaasha-manchester-united-ma-ahan-dhaawac-daran-muxuuse-ka-rajeynayaa-tababare-jose/">Phil Jones oo niyada u dajiyay taageerayaasha Manchester United ” Ma ahan dhaawac daran”, muxuuse ka rajeynayaa tababare Jose</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *