<

Home » Horyaalada » Premier League » NATIIJOOYINKII KOOXAHA HEERKA DHEXE: West Ham oo xasuuqday Boro, Watford oo lagu dhegay, Sunderland oo cashir loo dhigay & Kulamadii galabta

NATIIJOOYINKII KOOXAHA HEERKA DHEXE: West Ham oo xasuuqday Boro, Watford oo lagu dhegay, Sunderland oo cashir loo dhigay & Kulamadii galabta

Shabakada Wararka ciyaaraha ee Laacibiin.com ayaa halkan idiinku soo koobeysa dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee natiijooyinka kulamadii galabta ka dhacay horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa galabta xili hore waxaa 3-2 uga badisay Swansea, waxaana guuldaradas ay u aheyd mid xanuun badan – Riix Halkan Sii Akhri

Dhanka kale Kooxda Man United ayaa bar bardhac 1-1 ah la gashay naadiga Stoke City, Wayne Rooney ayaana daqiiqadii ugu danbeysay bad baadiyay. = Riix halkan Sii Akhri Warbixinta

Laakiin Kulamadii kale ee galabta dhacay waxaa kamid ah AFC Bournemouth oo bar bardhac soo daahay oo 2 – 2 ah la gashay naadiga Watford, Kooxda Watford ayaa goolka koobaad waxaa udhaliyay Christian Kabasele, laakiin waxaa Bournemouth usoo bar bareeyay Joshua King, Watford ayaa mar kale hogaanka qabatay waxaana gool udhaliyay kabtabkeeda Deenay, laakiin daqiiqadihii danbe waxaa Bournemouth usoo bar bareeyay Benik Afobe.

Dhanka kale Kooxda Everton ayaa guul soo daahday ka gaartay naadiga Crsyatal Palace, xili macalinka cusub ee Palace uu wali raadinayo guushiisii koobaad, Everton waxaa hal gool oo ay ku badisay udhaliyay daafaca midig ee Seamus Coleman.

Laakiin naadiga West Ham ayaa cashir udhigtay kooxda Middlesbrough kadib markii ay 3-1 kaga badisay, waxaana labo kamid ah goolashaas udhaliyay weeraryahanka Andy Carrol, halka goolka sedexaad uu udhaliyay  Calleri, Boro waxaa halka gool udhaliyay Cristian Stuan

West Brom ayaa dhanka kale 2-0 kaga badisay kooxda Sunderland, waxaana ay goolashaas uga mahadcelineysaa xidigii hore ee Man United Fletcher iyo qadka dhexe ee Chris Brunt

Liverpool 2 – 3 Swansea City
AFC Bournemouth 2 – 2 Watford
Crystal Palace 0 – 1 Everton
Mityddlesbrough 1 – 3 West Ham United
Stoke City 1 – 1 Manchester United
West Bromwich Albion 2 – 0 Sunderland

Waxaa lawada sugayaa kulanka adag ee dhexmaraya kooxaha Man City iyo naadiga Tottenham kuwaas oo ku tartamaya horyaalka Ingiriiska.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/natiijooyinkii-kooxaha-heerka-dhexe-west-ham-oo-xasuuqday-boro-watford-oo-lagu-dhegay-sunderland-oo-cashir-loo-dhigay-kulamadii-galabta/">NATIIJOOYINKII KOOXAHA HEERKA DHEXE: West Ham oo xasuuqday Boro, Watford oo lagu dhegay, Sunderland oo cashir loo dhigay & Kulamadii galabta</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *